Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo hambalyo u direy haweenka Soomaaliyeed”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo hambalyo u direy haweenka Soomaaliyeed”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: ‘’Ka Madaxweyne ahaan, waxaa iga go’an inaan meesha ka saarno caqabadaha ka hortaagan in xuquuqdooda laga doodo, wax laga qabto, lana xaqiijiyo in la dhowro xuquuuqdooda, sida sharciga u qabo’’.

Muqdisho, 8 Maarso 2015: Munaasabadda Maalinta Caalamiga ee Haweenka, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu hambalyo u direy haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo dhinaca kalena xusey doorka muuqda ee haweenka Soomaaliyeed iyo muhimaddooda mustaqbalka iyo horumarka dalka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“Waxan halkan ka qirayaa xishmad balaaranna u hayaa doorka haweenka Soomaaliyeed ha noqdeen kuwii hore, kuwa maanta jooga iyo kuwa mustaqbalka intaba. Haweenka Soomaaliyeed waxay muujiyeen karti iyo geesinimo labataankii sanno ee la soo dhaafey ee colaadda ay dalkeena ka jirtey. Iyaga oo xaalad adag ku jira ayay hadana waxay muujiyeen adkeysi, waxayna ku guuleysteen inay abuuraan rajo iyo rabitaankooda ku aaddan in nabad iyo kala dambeyn dalka lagu soo dabbaalo. Maanta haweenka waxay kaalimahooda kaga jiraan ganacsiga, adeegyada kala duwan ee nolosha iyo hoggaanka guud ahaan Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Caalamka ma jiro dal qura oo si dimoqraadi ah horumar ku gaarey iyadoo aaney haweenka kaalin buuxda ka qaadan qeybaha kala duwan ee adeegyada qaranka. Ka Madaxweyne ahaan, waxaa iga go’an xaqiijinta inaan meesha ka saarno caqabadaha ka hor imaan kara in xuquuqda haweenka laga doodo, si dhab ah wax looga qabto, lana ilaaliyo shuruucda ku saabsan hirgelinta xuquuqda dhameystiran ee haweenka .

Hawlo badan ayaa ina horyaalla, kuwaas oo ay tahay inaan si wadajir ah u shaqeyno si wax loogu qabto haweenka Soomaaliyeed. Waa in meesha laga saara wax alaale wixii caqabad ku ah haweenka inay doorkooda ka cayaaraan bulshada dhexdeeda, in codkooda la maqlo ha noqoto bulshada oo dhan amaba si gaar ah.

Iyadoo aanu wadno horumarinta hay’adaheena dowliga ah, waa inaan xaqiijinaa inaaney jirin wax caqabad ah oo ka hor istaagaya haweenka inay kaalin ku yeeshaan adeegyada bulshada ee kala duwan. Waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah waxbarashada oo loo baahan yahay in lagu baahiyo Soomaaliya oo dhan si ay gabdhaheena u helaan fursado waxbarasho oo la mid ah kuwa ay helaan wiilasha walaalahooda ah”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusey doorka haweenka ay ka qaadan karaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

“Dib u heshiisiinta, horumarka siyaasadda, amniga iyo xasiloonida waxay waxtar yeelan karaan amaba lagu horumarin karaa oo keliya marka gabdhaheena, kuwa inala dhashey, xaasaskeena iyo hooyooyinka la xishmeeyo, laga qeybgeliyo, lana dhegeysto,iyadoo xuquuqdoodana la dhowrayo sida sharcigu dhigayo.

Waxaan ku boorinayaa hay’adaha kala duwan ee Dowlada Federaalka Soomaaliya inay dedejiyaan shuruucda, xeerka siyaasadeed iyo nidaam horseedi kara in wixi hore laga soo gudbo , lana bilaabo bog cusub oo haweenka ay ku helayaan xuquuqdooda oo dhameystiran. Inagoo haddaba u dabbaaldegeyna maalinta Haweenka Caalamiga ee sannadka 2015, waxaa dhammaanteen la inaga doonaya inaan mudnaan gaar ah siinno maalintan nagu weyn’’.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha ka hadlay waxqabadka dowladda, Hiigsiga 2016, dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

1

2

3

4

5

6

7

8

Previous Post

Dhaqaale loo urruuriyay dhismaha waddo isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo

Next Post

Xuska Maalinta Haweenka Aduunka oo Garoowe lagu qabtay”SAWIRRO”

Next Post
Xuska Maalinta Haweenka Aduunka oo Garoowe lagu qabtay”SAWIRRO”

Xuska Maalinta Haweenka Aduunka oo Garoowe lagu qabtay”SAWIRRO”

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In