Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo hambalyo u direy haweenka Soomaaliyeed”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo hambalyo u direy haweenka Soomaaliyeed”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud: ‘’Ka Madaxweyne ahaan, waxaa iga go’an inaan meesha ka saarno caqabadaha ka hortaagan in xuquuqdooda laga doodo, wax laga qabto, lana xaqiijiyo in la dhowro xuquuuqdooda, sida sharciga u qabo’’.

Muqdisho, 8 Maarso 2015: Munaasabadda Maalinta Caalamiga ee Haweenka, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu hambalyo u direy haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo dhinaca kalena xusey doorka muuqda ee haweenka Soomaaliyeed iyo muhimaddooda mustaqbalka iyo horumarka dalka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

“Waxan halkan ka qirayaa xishmad balaaranna u hayaa doorka haweenka Soomaaliyeed ha noqdeen kuwii hore, kuwa maanta jooga iyo kuwa mustaqbalka intaba. Haweenka Soomaaliyeed waxay muujiyeen karti iyo geesinimo labataankii sanno ee la soo dhaafey ee colaadda ay dalkeena ka jirtey. Iyaga oo xaalad adag ku jira ayay hadana waxay muujiyeen adkeysi, waxayna ku guuleysteen inay abuuraan rajo iyo rabitaankooda ku aaddan in nabad iyo kala dambeyn dalka lagu soo dabbaalo. Maanta haweenka waxay kaalimahooda kaga jiraan ganacsiga, adeegyada kala duwan ee nolosha iyo hoggaanka guud ahaan Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Caalamka ma jiro dal qura oo si dimoqraadi ah horumar ku gaarey iyadoo aaney haweenka kaalin buuxda ka qaadan qeybaha kala duwan ee adeegyada qaranka. Ka Madaxweyne ahaan, waxaa iga go’an xaqiijinta inaan meesha ka saarno caqabadaha ka hor imaan kara in xuquuqda haweenka laga doodo, si dhab ah wax looga qabto, lana ilaaliyo shuruucda ku saabsan hirgelinta xuquuqda dhameystiran ee haweenka .

Hawlo badan ayaa ina horyaalla, kuwaas oo ay tahay inaan si wadajir ah u shaqeyno si wax loogu qabto haweenka Soomaaliyeed. Waa in meesha laga saara wax alaale wixii caqabad ku ah haweenka inay doorkooda ka cayaaraan bulshada dhexdeeda, in codkooda la maqlo ha noqoto bulshada oo dhan amaba si gaar ah.

Iyadoo aanu wadno horumarinta hay’adaheena dowliga ah, waa inaan xaqiijinaa inaaney jirin wax caqabad ah oo ka hor istaagaya haweenka inay kaalin ku yeeshaan adeegyada bulshada ee kala duwan. Waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah waxbarashada oo loo baahan yahay in lagu baahiyo Soomaaliya oo dhan si ay gabdhaheena u helaan fursado waxbarasho oo la mid ah kuwa ay helaan wiilasha walaalahooda ah”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusey doorka haweenka ay ka qaadan karaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

“Dib u heshiisiinta, horumarka siyaasadda, amniga iyo xasiloonida waxay waxtar yeelan karaan amaba lagu horumarin karaa oo keliya marka gabdhaheena, kuwa inala dhashey, xaasaskeena iyo hooyooyinka la xishmeeyo, laga qeybgeliyo, lana dhegeysto,iyadoo xuquuqdoodana la dhowrayo sida sharcigu dhigayo.

Waxaan ku boorinayaa hay’adaha kala duwan ee Dowlada Federaalka Soomaaliya inay dedejiyaan shuruucda, xeerka siyaasadeed iyo nidaam horseedi kara in wixi hore laga soo gudbo , lana bilaabo bog cusub oo haweenka ay ku helayaan xuquuqdooda oo dhameystiran. Inagoo haddaba u dabbaaldegeyna maalinta Haweenka Caalamiga ee sannadka 2015, waxaa dhammaanteen la inaga doonaya inaan mudnaan gaar ah siinno maalintan nagu weyn’’.

Waxaa kale oo uu madaxweynaha ka hadlay waxqabadka dowladda, Hiigsiga 2016, dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

1

2

3

4

5

6

7

8

Previous Post

Dhaqaale loo urruuriyay dhismaha waddo isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo

Next Post

Xuska Maalinta Haweenka Aduunka oo Garoowe lagu qabtay”SAWIRRO”

Next Post
Xuska Maalinta Haweenka Aduunka oo Garoowe lagu qabtay”SAWIRRO”

Xuska Maalinta Haweenka Aduunka oo Garoowe lagu qabtay”SAWIRRO”

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In