Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Jabuuti uga qeyb galaya shir looga hadlayo amniga Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta baarlamaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka Jabuuti uga qeybgalaya shirka ammaanka Soomaaliya looga hadlayo oo ay ka qeyb galayaan hogaamiyeyaasha dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Shirka ayaa waxaa lagu gorfeynayaa xaaladda amniga iyo hawlgallada AMISOM, iyo sidii loo xoojin lahaa la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab oo dhibaato ku heysa gobolka.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Al Shabaab ujeedkeeda uu cad yahay, ayna doonayaan inay shacabka xasuuqaan, barakiciyaan, isla markaana ay nabadda horjoogsadaan, loona baahanyahay in si wada jir ah looga hortago dhagarta ay maleegayaan.

“Kooxdan argagixisada ah ee diinta ku gambaneysa waxay markii ay jab ba’an la kulantey dooneysaa inay shacabka taageero kaga raadsato si khasab iyo argagixin leh. Wixii shaley ay sameeyeen ee ay shacab waddooyinka iska marayey ku laayeen waxay caddeyn u tahay in Al Shabaab ay ku faanto daadinta dhiigga shacabka masaakiinta ee nabadda u ooman. kooxda UGUS waa inay ogaataa in laamaha amniga ay har iyo habeen u soo jeedaan sidii ay kooxaha argagixsada dalka uga sifeyn lahaayeen’’.ayuu yiri Madaxweynaha.

 

 

Previous Post

Ammaanka caasimadda oo lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Next Post

Wasiirka amniga oo ka codsaday baarlamaanka inay meel mariyaan sharciga la dagaallanka argagixisada

Next Post

Wasiirka amniga oo ka codsaday baarlamaanka inay meel mariyaan sharciga la dagaallanka argagixisada

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In