Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka hadlay halka ay marayaan wada tashiyada heerka Qaran

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Xuseen Bantu
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay halka ay marayaan shirarka wadatashiyada heer Qaran ee looga hadlayo hiigsiga 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirarka wadatashigaa ah la balaariyay islamarkaana gobollada dalka dhawaan lagu soo gabagabeeyay shirarkaasi, iyadoo afkaartooda ay ka dhiibanayeen bulshada ku nool gobollada ay ka arrimiyaan maamul goboleedyada.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Warbixintan tii ka horreysay waxaan dadka u sheegnay in 16-ki bisha dalka meel kastoo ka mid ah loo safray loo wada dhaqaaqay deegaanadaasi dadka deggan iyo gudiyadi halkan laga diray iney si wada hir ah uga wada qeybgaleen wada tashiga Qaran ee looga wada tashanayay marxaladda isbedelka, waxaa Alle mahadiis ah oon rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego in wada tashigaasi uu si aad iyo aad u qurux badan uu u dhacay ” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa xusay in muhiimadda wada hadalkaasi uu yahay un dadka Soomaaliyeed loo bandhigo waxa la doonayo iyo sida ay u arkaan sida looga gudbi karo marxaladan.

Madaxweynaha ayaa xusay in dhawaan la qaban doono shirweyne heer Qaran ah oo lagu falanqeynayo afkaarta laga Soo uruuriyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dalka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa soo hadalqaaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Soomaaliya gaar ahaan shirarkii kala duwanaa ee lagu qabtay dibadda iyo dalka iyo halka la hiigsanayo.

Wuxuu tilmaamay in go’aan ka gaarista talada dalka ay lahaan doonaan ummadda Soomaaliyeed wixii ka dambeeya sanadka 2016-ka

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa u mahadceliyay dadkii ka qeyb qaatay fikir uruurinta laga sameeyay guud ahaan dalka oo dhan.

Previous Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo furtay shir looga tashanayo sharciyada xisbiyada siyaasadeed “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Arrimaha gudaha oo furtay shir looga tashanayo sharciyada xisbiyada siyaasadeed “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo furtay shir looga tashanayo sharciyada xisbiyada siyaasadeed “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In