Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka hadlay waxqabadki dowladda Afarti sano ee la soo dhaafay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka hadlay waxqabadki dowladda Afarti sano ee la soo dhaafay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay horumarkii ay Dowladdu ku tallaabsatay Afartii sano ee uu hayay xilka Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane,Xasan Sheekh oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay wax qabadkii ay ku dhaqaaqday Dowladda uu hormuudka ka yahay intii ay shaqaynaysay, ayaa ka sheekeeyay in badan oo ka mid ah waddamadii ay Dowladda soo nooleysay cilaaqaadkii ay la lahayd kal hore iyo saaxiibbo cusub oo intooda safaarado ka furtay gudaha Dalka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Aqoonsigii uu Maraykanka iyo Beesha Caalamka mar kale aqoonsadeen inay Soomaaliya tahay Dal madax bannaan oo ay u dhammaytiran yihiin haykalkii looga baahnaa Dowlad horay u tallaabsanaysa.

Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday madaxweynuhu warbixinnada dhiirri gelinta ah ee ay abuurtay Dowladdiisu,kuwaasoo sababaty iney mar walba beesha caalamka ku tilmaanto Soomaaliya Dal aan fashilmin balse kasoo kabanaya burbur dhan walba ah kuna furan yihiin dagaallo Argagixiso iyo kuwo dhaqaale, kuwaasoo ay in badan ku guuleysatay ka miran dhalin tooda.

Xasan sheekh Maxamuud, madaxweynaha Dalka ayaa shacabka xusuusiyay masuuliyiintii kusoo dhiirraday iney soo booqdaan Dalka iyo shirarkii heerka Caalami ahaa ee ka dhacay kuwaasoo uu ugu dambeeyay kulankii ay IGAD ku yeelatay Caasumadda Muqdisho.

Isagoo ka dhawaajiyay inay Dowladdu u abuurtay jewi ay ku maalgashadaan Dalka kuna samaystaan Ganacsiyo kala duwan,taasoo ka mid ahayd ballan qaadyadii uu sameeyay xilligii la dooranayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Xasan Sheekh, Madaxweynaha Dalka, ayaa ugu dambayn ka marqaati kacay hoostana ka xarriiqay iney Beesha Caalamka iyo Bulshada Soomaaliyeedba isku raacsan yihiin iney Soomaaliya u dhaqaaqday dhanka Horumarka, wixii dhimmanna la dhammaytiri doono.

Previous Post

Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Todobaadka oo looga hadlay ka hortagga argagixisada

Next Post

Nala wadaag fariimaha tahniyadaha iyo aroosyada

Next Post

Nala wadaag fariimaha tahniyadaha iyo aroosyada

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In