Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka hadlay waxqabadki dowladda Afarti sano ee la soo dhaafay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka hadlay waxqabadki dowladda Afarti sano ee la soo dhaafay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay horumarkii ay Dowladdu ku tallaabsatay Afartii sano ee uu hayay xilka Ummadda Soomaaliyeed.

Mudane,Xasan Sheekh oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay wax qabadkii ay ku dhaqaaqday Dowladda uu hormuudka ka yahay intii ay shaqaynaysay, ayaa ka sheekeeyay in badan oo ka mid ah waddamadii ay Dowladda soo nooleysay cilaaqaadkii ay la lahayd kal hore iyo saaxiibbo cusub oo intooda safaarado ka furtay gudaha Dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Aqoonsigii uu Maraykanka iyo Beesha Caalamka mar kale aqoonsadeen inay Soomaaliya tahay Dal madax bannaan oo ay u dhammaytiran yihiin haykalkii looga baahnaa Dowlad horay u tallaabsanaysa.

Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday madaxweynuhu warbixinnada dhiirri gelinta ah ee ay abuurtay Dowladdiisu,kuwaasoo sababaty iney mar walba beesha caalamka ku tilmaanto Soomaaliya Dal aan fashilmin balse kasoo kabanaya burbur dhan walba ah kuna furan yihiin dagaallo Argagixiso iyo kuwo dhaqaale, kuwaasoo ay in badan ku guuleysatay ka miran dhalin tooda.

Xasan sheekh Maxamuud, madaxweynaha Dalka ayaa shacabka xusuusiyay masuuliyiintii kusoo dhiirraday iney soo booqdaan Dalka iyo shirarkii heerka Caalami ahaa ee ka dhacay kuwaasoo uu ugu dambeeyay kulankii ay IGAD ku yeelatay Caasumadda Muqdisho.

Isagoo ka dhawaajiyay inay Dowladdu u abuurtay jewi ay ku maalgashadaan Dalka kuna samaystaan Ganacsiyo kala duwan,taasoo ka mid ahayd ballan qaadyadii uu sameeyay xilligii la dooranayay Xasan Sheekh Maxamuud.

Mudane Xasan Sheekh, Madaxweynaha Dalka, ayaa ugu dambayn ka marqaati kacay hoostana ka xarriiqay iney Beesha Caalamka iyo Bulshada Soomaaliyeedba isku raacsan yihiin iney Soomaaliya u dhaqaaqday dhanka Horumarka, wixii dhimmanna la dhammaytiri doono.

Previous Post

Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Todobaadka oo looga hadlay ka hortagga argagixisada

Next Post

Nala wadaag fariimaha tahniyadaha iyo aroosyada

Next Post

Nala wadaag fariimaha tahniyadaha iyo aroosyada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In