Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal degayay 93 guuradii ka soo wareegtay markii shacabka turkiga ay sameysteen Jamhuuriyad kadib kacdoon iyo halgan dheer oo ay arrintaasi u galeen.
Munaasabadda waxaa kaloo ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay dowlada iyo shacabka turkiga 93 guuradii kasoo wareegtay markii la aas aasay Jamhuuriyadda Turkey.
1923 maanta oo kale ayey aheyd markii shacabka Turkigu ay sameysteen Jamhuuriyad dalkoodu uu yeesho halgan dheer kadib, iyadoo aas aaska Jamhuuriyadaas kadibna dalka Turkigu uu sameeyay horumar balaaran oo dhinac walbaba leh.
2011 dowlada iyo shacabka Turkigu waxa ay noqdeen saaxibka koowaad ee bulshada iyo dowlada Soomaaliyeed maadaama ay noosoo gurmadeen xili xaalad adag aan ku jirnay.