Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo dowladda iyo shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay maalinta qaranimada dalkaasi+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 29, 2016
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo dowladda iyo shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay maalinta qaranimada dalkaasi+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay maalinta qaranimada jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabada oo si heer sare ah loo soo agaasimay laguna xusayay 93 sano guuradi ka soo wareegtay aas aaskii Jamhuuriyadda Turkiga ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalkaย  Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud R/wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte, wasiirka Amniga, wasiirka maaliyadda, Saraakiil ciidan Danjirayaasha dalalka caalamka u fadhiya Muqdisho iyo marti sharaf kale oo halkaasi lagu casuumay.

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

Furitaanki xafladaasi oo laga garaacay astaanta calankeenna iyo kan Turkiga ayaa waxaa ka hadlay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mr. Elgon Bekar, isagoo mahadcelin kaddib ku dheeraaday taariikhda halgankii loo soo galay aasโ€™aaskii Jamhuuriyadda Turkiga oo iminka loo dabaaldegayo sanadguuradeedii 93-aad iyo xiriirka u dhaxeeya labada dowladood Soomaaliya iyo Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa dowladda iyo Shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay maalinta Qaranka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay gurmadki dowladda iyo shacabka Turkigu ay u fidiyeen walaalohooda Soomaaliyeed, wuxuuna soo hadalqaaday booqashooyinkii taariikhiga ahaa ee madaxweynaha dalkaasi Rajab Dayib Erdogan uu ku yimid Soomaaliya.

Wuxuu madaxweynuhu tilmaamay in walaalaha Turkiga mashaariicda ay ka fuliyeen dalka ka sokoow ย ay gacmahooda uga qeybqaateen nadaafadda iyo dib u dhiska caasimadda dalka ee Muqdisho.

Safaaradda Turkiga ee galabta lagu qabtay munaasabadan ayaa ah tan ugu dhismo balaaran ee Turkigu ku leeyahay wadamada caalamka taasina waxey muujineysaa sida uu u horumarsanyahay xiriirka uu dalkeenu la leeyahay dalka Turkiga.

DSCN4960 DSCN4964 DSCN4965 DSCN4966 DSCN4970 DSCN4972 DSCN4973 DSCN4981 DSCN4982 DSCN4984 DSCN4987 DSCN4989 DSCN4990 DSCN4992 DSCN5001 DSCN5003 DSCN5005 DSCN5010 DSCN5012 DSCN5014 DSCN5018 DSCN5022 DSCN5025 DSCN5035 DSCN5037 DSCN5038 DSCN5039 DSCN5040 DSCN5042 DSCN5044 DSCN5074

Previous Post

Madaxweynaha oo ka qeyb galay xaflad lagu weynayo xuska 93 guurada Jamhuuriyadda Turkiga

Next Post

Ciidanka Nabadsugidda oo soo badbaadiyey haweeney Kenyan ah

Next Post
Ciidamada Nabad Sugidda Maamulka Galmudug oo soo furtay ajaaniib afduub loo Heystay

Ciidanka Nabadsugidda oo soo badbaadiyey haweeney Kenyan ah

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In