Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgalay Kulan looga hadlayay xaqiijinta qoondada haweenka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Puntland ku bogaadiyay oggolaanshaha qaabka doorasho ee 2016-ka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayay qoondada haweenku ku yeelan doonaan golayaasha qaranka.

Kulanka wacyigelinta ka qeyb-galka  haweenka doorashada 2016-ka iyo xaqiijinta Qoonadada haweenka ay ku yeelan doonaan goleyaasha Qaranka, waxaa kaloo ka qeyb-galay kulanka, wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Danjireyaasha Qoondada haweenka u ololeeya, haween ka kala  yimid gobollada dalka, Wakiil AMISOM iyo haween murashaxiin u ah kuraasta labada aqal.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe  oo ka mid ah dadka u ololeeynaya qoondada haweenka, , ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey dadaalka uu ku bixiyey heerka ay soo gaareen, waxa ay sheegtay in ay sii wadi doonaan u dhabar adeeygidda howsha doorashooyinka ka  dhacaya gobollada dalka ee goloyaasha Qaranka.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Sahra Maxamed Cali Samatar, ayaa sheegtay in haweenka looga fadhiyo in ay si rasmi ah u xaqiijiyaan Kursiga ay u tartamayaan, iyaguna ay isku kalsoonaadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Haweenkii kulanka joogey u sheegay  go’aannadii ka soo baxay shirkii Madasha Qaran in lagu qeexay hababka  loo mari doono qoondada haweenka  iyo doorka doorashada sannadkaan.

Madaxweynaha J.F Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dadaalka ay muujiyeen, waxa uu ugu baaqay in aysan ka tanaasulin xuquuqdooda, hasa yeeshee iyagoo qiimeynaya daruufaha dalka  uu ku sugan yahay ay wajahaan arrimahaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Federaalka  ay ka go’an tahay sidii dalka looga oogi lahaa doorashooyin loo simman yahay oo u dhaca si degnaansho leh, isla markaana uu rajeynayo in Haweenku ay  u midoobaan sidii ay u sugi lahaayeen Kuraasta Barlamaanka ay ku yeelan doonaan.

Ugu dambeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xan Sheekh Maxamuud, ayaa haweenka Soomaaliyeed kula dardaarmay isu tanaasul iyo in ay doorashooyinka uga qeyb-galaan si degaansho iyo dimoqoraadiyad leh.

 

Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka amniga iyo Taliyaha booliska oo shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiil ciidan “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka amniga iyo Taliyaha booliska oo shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiil ciidan “SAWIRRO”

Wasiirka amniga iyo Taliyaha booliska oo shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiil ciidan "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In