Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgalay Kulan looga hadlayay xaqiijinta qoondada haweenka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Puntland ku bogaadiyay oggolaanshaha qaabka doorasho ee 2016-ka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlayay qoondada haweenku ku yeelan doonaan golayaasha qaranka.

Kulanka wacyigelinta ka qeyb-galka  haweenka doorashada 2016-ka iyo xaqiijinta Qoonadada haweenka ay ku yeelan doonaan goleyaasha Qaranka, waxaa kaloo ka qeyb-galay kulanka, wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Danjireyaasha Qoondada haweenka u ololeeya, haween ka kala  yimid gobollada dalka, Wakiil AMISOM iyo haween murashaxiin u ah kuraasta labada aqal.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe  oo ka mid ah dadka u ololeeynaya qoondada haweenka, , ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey dadaalka uu ku bixiyey heerka ay soo gaareen, waxa ay sheegtay in ay sii wadi doonaan u dhabar adeeygidda howsha doorashooyinka ka  dhacaya gobollada dalka ee goloyaasha Qaranka.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, Sahra Maxamed Cali Samatar, ayaa sheegtay in haweenka looga fadhiyo in ay si rasmi ah u xaqiijiyaan Kursiga ay u tartamayaan, iyaguna ay isku kalsoonaadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Haweenkii kulanka joogey u sheegay  go’aannadii ka soo baxay shirkii Madasha Qaran in lagu qeexay hababka  loo mari doono qoondada haweenka  iyo doorka doorashada sannadkaan.

Madaxweynaha J.F Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed dadaalka ay muujiyeen, waxa uu ugu baaqay in aysan ka tanaasulin xuquuqdooda, hasa yeeshee iyagoo qiimeynaya daruufaha dalka  uu ku sugan yahay ay wajahaan arrimahaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Federaalka  ay ka go’an tahay sidii dalka looga oogi lahaa doorashooyin loo simman yahay oo u dhaca si degnaansho leh, isla markaana uu rajeynayo in Haweenku ay  u midoobaan sidii ay u sugi lahaayeen Kuraasta Barlamaanka ay ku yeelan doonaan.

Ugu dambeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xan Sheekh Maxamuud, ayaa haweenka Soomaaliyeed kula dardaarmay isu tanaasul iyo in ay doorashooyinka uga qeyb-galaan si degaansho iyo dimoqoraadiyad leh.

 

Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka amniga iyo Taliyaha booliska oo shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiil ciidan “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka amniga iyo Taliyaha booliska oo shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiil ciidan “SAWIRRO”

Wasiirka amniga iyo Taliyaha booliska oo shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiil ciidan "SAWIRRO"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In