Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgalay xaflad xalay lagu qabtay Muqdisho

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Xildhiban Saadaq Cabdikariim
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasibadan casho sharafta aheyd isla markaana gudoonka  barlaamanka Soomaaliya oo  ku sagootinaayay mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya  oo galey fasixi kalfadhig 7aad ee u xirmay ayaa waxaa ka qeyb galey madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, gudooniyaha barlamaanka Ra’isul wasaaraha,xubno katirsan golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Intii ay socotay munaasibadu ayaa waxa goobta lagu soo bandhigay flim ka hadlaayay waxqabadkii  mudanayaasha barlamaanka ee hada jira, iyadoo sidoo kale goobta ay ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysay wax qabadka golaha shacabka kooxda fanka ee Shambal.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Mahad Cabdala Cawad, ayaa sheegay in wada shaqeyn fiican ay ka dhex jirto mudanayaasha golaha shacabka.

Ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmarke, ayaa dhankiisa  sheegey in ay tahay  wax lagu farxo wada shaqeynta dhex ka dhaxeysa hey’adaha dalka ugu sareeya.

Guddoomiyaha barlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jaawari) oo soo qaban qaabiyay casho sharafta ayaa u soo jeediyay xubnaha barlamaanka hadalo dardaaran ah, isagoo sidoo kale ugu hambalyeeyay fasaxa mudanayaasha golaha shacabka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo munaasibada soo xirey ayaa mudanayaasha barlamanka  u sheegey shaqooyinka wax ku oolka ah oo ay soo qabteen sanadkaan.

Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegey dalkani inuu u bahanyahay isfaham siyaasadeed taa oo looga gudbi karaayo dhibaatooyin jira hada.

Mudanayaasha barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa guda galey bil fasax ah kadib markii maalin ka hor uu u soo xirmay kalfadhigii 7 aad.

 

Previous Post

Duqa Muqdisho oo xalay kormeerey degmooyinka gobolka qaar

Next Post

Faah faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Beledweyne

Next Post
Waa sidee goobaha ay Caawa Qaraxyadu ka dheceen ee Muqdisho?”HALKAN KA DHAGEYSO”

Faah faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Beledweyne

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In