Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgalay xaflad xalay lagu qabtay Muqdisho

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Xildhiban Saadaq Cabdikariim
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasibadan casho sharafta aheyd isla markaana gudoonka  barlaamanka Soomaaliya oo  ku sagootinaayay mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya  oo galey fasixi kalfadhig 7aad ee u xirmay ayaa waxaa ka qeyb galey madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, gudooniyaha barlamaanka Ra’isul wasaaraha,xubno katirsan golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya.

Intii ay socotay munaasibadu ayaa waxa goobta lagu soo bandhigay flim ka hadlaayay waxqabadkii  mudanayaasha barlamaanka ee hada jira, iyadoo sidoo kale goobta ay ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysay wax qabadka golaha shacabka kooxda fanka ee Shambal.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Mahad Cabdala Cawad, ayaa sheegay in wada shaqeyn fiican ay ka dhex jirto mudanayaasha golaha shacabka.

Ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Cumar Cabdi rashiid Cali Sharmarke, ayaa dhankiisa  sheegey in ay tahay  wax lagu farxo wada shaqeynta dhex ka dhaxeysa hey’adaha dalka ugu sareeya.

Guddoomiyaha barlamaanka mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jaawari) oo soo qaban qaabiyay casho sharafta ayaa u soo jeediyay xubnaha barlamaanka hadalo dardaaran ah, isagoo sidoo kale ugu hambalyeeyay fasaxa mudanayaasha golaha shacabka.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo munaasibada soo xirey ayaa mudanayaasha barlamanka  u sheegey shaqooyinka wax ku oolka ah oo ay soo qabteen sanadkaan.

Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegey dalkani inuu u bahanyahay isfaham siyaasadeed taa oo looga gudbi karaayo dhibaatooyin jira hada.

Mudanayaasha barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa guda galey bil fasax ah kadib markii maalin ka hor uu u soo xirmay kalfadhigii 7 aad.

 

Previous Post

Duqa Muqdisho oo xalay kormeerey degmooyinka gobolka qaar

Next Post

Faah faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Beledweyne

Next Post
Waa sidee goobaha ay Caawa Qaraxyadu ka dheceen ee Muqdisho?”HALKAN KA DHAGEYSO”

Faah faahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay Beledweyne

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In