Thursday, March 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo hambalyo u diray ciidanka booliska meelkasta oo ay joogaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya Shir Madaxeed dhinaca amniga la xiriirra
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayo 72 guuradii ka oo wareegtay Aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka socotaa magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka.

Munaasabadda oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka, booliska iyo hay’adda Nabad sugidda, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ururrada Haweenka Qaranka iyo kan gobolka Banaadir, fanaaniinta kooxda Heegan.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026

Ciidanka booliska ayaa fagaaraha dugsiga sare ee tababbarka booliska ee Jeneraal Kaahiye, ku soo bandhigay gaaddo ka cayaar aad u quruxbadan, taasi ay la dhaceen intiii ka qeyb gashay xafladda, waxaana intaas kaddib loo gudbay hoolka ay fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka booliska dhankooda ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa waxqabadka ciidanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Aadan Axmed oo munaasabadda ka hadlay ayaa ciidanka booliska meelkasta oo ay joogaan u diray hambalyo ku aadan xuska maalinta ciidanka booliska, isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Taliya hay’adda Nabadsugidda Qaranka Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa sheegay in ciidanka booliska ay kaalin weyn ku leeyihiin xaqiijinta amniga dalka, isagoo hambalyo u diray ciidanka booliska.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ciidanka booliska ay yihiin hooyada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa hoosta ka xariiqday in ciidanka booliska ay horumar la taaban karo ku talaabsadeen.

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xusay in ciidanka booliska ay ku guuleysteen fulinta mashaariic kala duwan oo qeyb ka ah dhiso dalkaaga.

Wasiir ku-xigeenka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdinaasir Maxamed Cali ayaa sheegay in ciidanka booliska ay door muuqdo ku leeyihiin xaqiijinta amniga dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray xafladda lagu xusayo 72guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska ayaa hambalyo u diray ciidanka booliska meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in ciidanka boolisku ay soo kabanayaan, isla markaana loo baahanyahay in lala shaqeeyo si ay u gutaan waajibaadka loo idmaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in askariga booliska looga baahanyahay in uu barto qorista iyo akhrinta farta Soomaaliga, si loo tayeeyo aqoonta ciidamada booliska

Munaasabadda ayaa ku soo idlaatay jawi wanaagsan.

 

Previous Post

Diyaaradda Air France Oo Walxaha Qarxa Looga Shakiyay Ayaa Degdeg Ugu Degtay Mombasa

Next Post

Ciidanka XDS oo Shabaab kala wareegay deegaanka Qoryaale dilayna tiro maleeshiyaad ah

Next Post
Ciidanka XDS oo howlgallo kula wareegay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan

Ciidanka XDS oo Shabaab kala wareegay deegaanka Qoryaale dilayna tiro maleeshiyaad ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

Qoysas ay abaartu saameysay oo biyo dhaamin lagu sameeyay degaanno hoostaga Cadaado

March 12, 2026
0

Ilaa 1,000 qoys oo ay si daran u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah dalka ayaa ka faa’iideystay...

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

March 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed Mahmoud ayaa kulan sagootin iyo dardaaran ah la qaatay ciidamo gaar...

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

Akhriso isku aadka wareegga afar dhammaadka ee tartanka

March 12, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In