Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ka qeybgalay xuska maalinta Afka Soomaaliga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka  qeybgalay munaasabadda xuska sanadguurada 43 ee ka soo wareegtay markii la qoray Afka Soomaaliga oo lagu qabtay Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee xarunta cilmiga dhaqanka fanka iyo suugaanta taasoo lagu qabtay munaasabada xuska sanadguurada 43-aad ee ka soo wareegtay markii la qoray afkeena hooyo.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Munaasabadda Sidoo kale waxaa ka qeybgalay wasiirka waxbarashada, wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska, xildhibaano iyo guud ahaan bahda waxbarashada, iyadoo dadkii munaasabadda ka hadlay ay muujiyeen baahida loo qabo in la horumariyo afka Soomaaliga.

Wasiirka waxbarashada Marwo Qadro Bashiir ayaa munaasabadda ka sheegtay in wasaaraddu ay ku dadaali doonto sidii loo xoojin lahaa afka Soomaaliga looguna dhigi lahaa dugsiyada aas aasiga ah ee dalka, waxeyna ku boorrisay bulshada Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan horumarinta Afka Soomaaliga.

Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku boorriyay wariyayaasha iney bartaan shuruucda ku hadalka iyo qorista afka Soomaaliga muddo sadex bilood ah, wuxuuna ku dheeraaday ahmiyadda uu ummadda Soomaaliyeed u leeyahay horumarinta afkooda hooyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee cilmiga dhaqanka fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed ayaa sheegay in wadamada dunidu ay ku horumareen afkooda, isagoo xusay in dowladda ay ka go’antahay sidii ay u horumarin laheyd afka hooyo ee Soomaaliga.

Wuxuuna ku booriyay maamulka xafiisyada dowladda in afka Soomaaliga ay siiyaan mudnaanta koobaad laguna qoro dukomentiyada si loo horumariyo, isagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la xoojiyo afka Soomaaliga laguna dhigo dugsiyada waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan sanadguurada 43-aad ee ka soo wareegtay xuska maalinta afka hooyo, wuxuuna kula dardaarmay iney sare qaadaan qiimaha afka hooyo ee Soomaaliga.

 

Previous Post

Wasaaradda Maaliyadda oo Shacabka la qaybsatay dood ku saabsan Miisaaniyadda 2016

Next Post

Daawo Sawirrada: Bilicda iyo horumarka ka jira magaalada Jowhar

Next Post
Daawo Sawirrada: Bilicda iyo horumarka ka jira magaalada Jowhar

Daawo Sawirrada: Bilicda iyo horumarka ka jira magaalada Jowhar

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In