Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgaley Shir Madaxeedka Midowga Afrika

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgaley Shir Madaxeedka Midowga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

30 January, 2015, Addis Ababa: Shir madaxeedka waddamada Midowga Afrika ayaa maaanta waxaa uu si rasmi ah uga furmey caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa. Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Afrika ee ka qeybgaley shirka .

Kulan madaxeedkan 24aad ee Midowga Afrika, ayaa waxaa si rasmi ah u furtey Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika Nkosazana Dlamini Zuma.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Shirkan oo madaxda qaaradda Afrika ay ku lafagurayaan arrimo kala duwan ayaa halkudhigga sannadkan uu yahay in la xoojiyo awoodda dumarka qaaradda Afrika ee dhinacyada kala duwan, sida siyasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo kuwo kale.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika Nkosazana Zuma, Guddoomiyaha Meertada ah ee Midowga Afrika , Mohamed Ould Abdulaziz,ahna Madaxweynaha Mauritania iyo madaxda kale ee ka hadashey shirka ayaa soo dhoweeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee nabad ka aslaaxinta dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban ayaa sheegay in hawlgalada nabad ilaainta Midowga Afrika ay yihiin kuwo miro dhal ah, isagoo tusaale u soo qaatey hawlgalka AMISOM ee dalka Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ka sokow waxaa uu kulamo la qaatey diblomaasiyiin shisheeye oo ay ka wadahadleen xaaladda Soomaaliya iyo taageerada ay u hayaan barnaamijka dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada iyo fidinta adeegyada bulshada.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Meertada ee Midowga Afrika ahna Madaxweynaha dalka Mauritania Mohamed Ould Abdel Aziz ayaa xilka Guddoomiyenimo ku wareejiyay Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Robert Mugabe.

Xasan

Previous Post

Warbixin Laga Soo Diyaariyay Haweenka La Heyb Sooco ee Soomaaliya oo Nairobi Lagu Soo Bandhigay “SAWIRRO”

Next Post

Scott Sinclair oo Si Amaah Ugu Biiray Kooxda Aston Villa “SAWIRRO”

Next Post
Scott Sinclair oo Si Amaah Ugu Biiray Kooxda Aston Villa “SAWIRRO”

Scott Sinclair oo Si Amaah Ugu Biiray Kooxda Aston Villa “SAWIRRO”

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In