Sunday, November 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Xildhibaan Siciid Xasan Geedi

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Dabaal degyo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub oo ka socda dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Janaraal Siciid Xasan Geeddi oo ahaa xubin ka tiran Barlamaanka cusub, maalmahan dambena ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Golaha Shacabka, iyo gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka tagay marxuum Siciid Xasan Geeddi oo kamid ahaa xildhibaannada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaan Siciid wuxuu ahaa shakhsi u huray naftiisa u adeegidda dalka iyo dadka isaga oo darajo sare ka gaaray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisana sabar iyo imaan uu ka siiyo. AAMIIN” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Jowhar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Jowhar

November 8, 2026
Weerar sababay khasaaro nafeed oo lagu qaaday saldhig ku yaalla dalka Colombia

Weerar sababay khasaaro nafeed oo lagu qaaday saldhig ku yaalla dalka Colombia

November 8, 2026

Xildhibaan Siciid oo ahaa xubin kamid ah guddigii difaaca ee Barlamaankii 9aad, waxaana markii ugu horreysay uu soo galay Barlamaanka Federaalka sanadkii 2012.

Previous Post

Xukuumadda oo magacawday guddi loo xil saaray caleemo-saarka madaxweynaha

Next Post

Xildhibaan Saciid Xasan Geeddi oo lagu aasay qabuuro ku yaalla Isbitaalka Madiina “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaan Saciid Xasan Geeddi oo lagu aasay qabuuro ku yaalla Isbitaalka Madiina “SAWIRRO”

Xildhibaan Saciid Xasan Geeddi oo lagu aasay qabuuro ku yaalla Isbitaalka Madiina "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Jowhar

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gaaray magaalada Jowhar

November 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada...

Weerar sababay khasaaro nafeed oo lagu qaaday saldhig ku yaalla dalka Colombia

Weerar sababay khasaaro nafeed oo lagu qaaday saldhig ku yaalla dalka Colombia

November 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Ciidanka Militariga Dawladda colombiya ayaa shaaciyey in saddex askari oo kamid ahaa Ciidnkooda la dilay halka ugu yaraan...

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug oo Saraakiil u qabatay tababar heer sare ah

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug oo Saraakiil u qabatay tababar heer sare ah

November 8, 2026
0

Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa qabatay tababar dib-u-xoojin aqooneed iyo xirfadeed oo loogu talagalay saraakiisha iyo xubnaha Ciidanka...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka oo lagu hor dhaariyay Madaxweynaha JFS

November 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu hor dhaariyay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In