Muqdisho, 16 January 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Dr Xuseen Maxamed Aadan ( Xuseen Tanzaaniya) oo ku geeriyooday dalka Mareynkanka
Madaxweynaha ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Dr Xuseen Maxamed Aadan.
“Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun , Allaah jannadii Fardoowsa haka waraabiyo Marxuum Dr Xuseen Maxamed Aadan, wuxuu ahaa shaqsi karti dheeraad ah leh oo hormuud u ahaa cilmi-baare daraasaad badan ka sameeyey Soomaaliya iyo qaaradda Afrika, wuxuu qeyb ka ahaa shaqsiyaadkii badbaadiyey inaysan lumin taariikhda soo jireenka ah ee Soomaalida” ayuu yiri Madaxweynaha
——DHAMMAAD—