Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo khudbad ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka Suudaan ka jeediyay Jaamacadda IUA ee Khartoum-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo khudbad ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka Suudaan ka jeediyay Jaamacadda IUA ee Khartoum-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya muddo dheer oo ay colaad ku jirtay kadib ay haatan hayso dhabbada dib u soo kabashada iyo wax wada qeybsiga dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Khartoum oo uu khudbad qiimo leh ugu jeediyay ardayda, macallimiinta iyo madaxda Jaamacadda Caalamiga ee Afrika (International Univeristy of Africa). Waxaa sidoo kale muxaadaradaasi ka soo qeybgaley mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadley taariikhda Soomaaliya iyo hannaanka hadda socda ee dhismaha Soomaaliya cusub oo ku saleysan dimoqraadiyad, xasilooni, horumar iyo iskaashi.

β€œWaxaa Soomaaliya ay cashar ka baratey xilliyadii adkaa ee ay soo martey. Waxaan sannadkan markii ugu horraysey dalka ka qabanqaabineynaa doorasho aan toos ahayn oo lagu soo dooranayo goleyaasha hoggaanka dalka. Waxaa Soomaali ay go’aansatey inay mustaqbal cusub dhisato, kaalinna ka qaadato arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka intaba’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha xusay in Soomaaliya dhanka amniga ay horumar la taaban karo ku tallaabsatey , balse ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah looga wada qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah ururka argagixisada Al Shabaab, oo uu sheegay inuu ku dhisan yahay aydoloojiyad shisheeye.

β€œSoomaaliya waa dal ay dagaalo daashadeen oo haatan dib u soo kabaneysa. Argagixisada Al Shabaab iyagoo ka faa’iideysanaya goobo badan oo dalka ka mid ah oo maamul la’aan noqday, ayay isku ballaariyeen, laakiin markii dambe Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u awood sheegtay oo dalka intiisa badan ka xorreeyay. Soomaaliya ma ahan, diyaarna uma ahan inay hoy u noqoto argagixiso wata dano shisheeye, iyo afkaar aan wax diin ah shuqul ku lahayn’’.

Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale xusay in Soomaaliya oo kheyraad badan uu Ilaahay ku maneystey ay weli shacabkiisa baahan yihiin, taasina ay ka dhalatey qalooc ku yimid siyaasaddii dalka lagu hagayey, haatanna la joogo waqti Soomaalida oo dhan looga fadhiyo inay la yimaadaan siyaasad wanaagsan oo dalka u horseeda nabad iyo horumar.

β€œWaxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka fogaataan siyaasadaha wax qeybinta, siyaasadaha colaadaha hurinaya, siyaasadaha wax burburinta iyo siyaasad kasta oo dib u dhac ku keeni karta mujtamaca. Waxaa hubaal ah in ummad kasta oo ku kacda siyaasadaha noocaan ah ay lumineyso sharaftii iyo karaamadii ay dadka ku dhex lahayd’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey xiriirka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa sheegay in labada waddan uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo iskaashi, xukuumadda Khartoum-na ay wax badan u qabatey Soomaaliya.

β€œSoomaaliya iyo Suudaan waa laba dal oo walaalo ah, oo wax badan ay ka dhexeeyaan, xiriirkoodana qotada dheerna uu yahay mid mar walba wanaagsan. Suudaan waxay gacan aan la iloobi karin u fidisey Soomaaliya, dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha, tababarka ciidammada booliska, amniga iyo weliba dadaalo dheeri ah oo ay ka sameysey isku soo dhoweynta kooxihii dhanka siyaasadda isku hayey Soomaaliya’’.

Waxaa uu Madaxweynaha soo dhoweeyay heshiiska cusub ee Soomaaliya iyo Suudaan ee sameynta guddi iskaashi oo heer wasiir ah, iyo weliba fikir uu soo jeediyay Madaxweyne Field Marshal Omer Hassan Ahmed Al-Bashir oo ah in la abuuro suuq dhaqaale oo ay yeeshaan waddamada gobolka.

1 2 3 4

Previous Post

Maamulka gobolka oo tartansiiyay ardayda dugsiyada gobolka Banaadir”Sawiro”

Next Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeybgalay shirka IMF “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeybgalay shirka IMF “Sawirro”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka qeybgalay shirka IMF "Sawirro"

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In