Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ku baaqay in loo gurmado dadka abaarahu saameeyeen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha “Baarlamanku waa inuu dedejiyaa meel marinta sharciyada muhiimka u ah waddanka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 11 December 2016 – Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq ka soo saaray
abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ka dib kulan uu la
qaatay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya , Guddiga Maareynta
Musiibooyinka iyo Guddiga Ka hortaga Abaaraha Qaranka.

Guddoomiyeyaasha Guddiyadda Maareeynta Musiibooyinka iyo Ka hortaga
Abaaraha Qaranka ayaa marka hore madaxweynaha warbixin ka siiyey
xaaladahii ugu dambeeyey ee dadka iyo duunyada degaanadda abaaraha ay
ka jiraan iyo kaalmooyinka ilaa hadda la gaarsiiyey.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii
xoojin doonto gurmadka gobollada abaaraha ay ku dhufteen islamarkaana
ugu baaqay Culumaa’udiinka, Ururada Dhallinyarada, Ururada Haweenka
iyo dhammaan ururada Bulshadda Rayidka ah inay billaabaan dhaqaalo
ururin si gurmad loogu fidiyo gobollada abaaraha ay ka jiraan gaar
ahaan gobollada Woqooyi, Bartahama iyo qeyb ka mid ah Koonfurta
Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay Saxaafada Soomaaliyeed inay
qabtaan barnaamijyo wacyigelin ah oo bulshada looga dalbanayo inay isu
gurmadaan si uu qof walba u helo fursad uu ku caawin karo walalaha
abaaraha ay saameeyeen. Madaxweynaha ayaa kaga mahad-celiyey
saxaafadda Soomaaliyeed sida ay u tabiso wararka ku saabsan abaaraha
dalka ka jira si umadda Soomaaliyeed ay dhexdood iskugu gurmadaan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka dalbaday hey’adaha
maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah inay gargaar deg deg ah la gaaraan
gobollada abaaraha ay ka jiraan.

DHAMAAD
Shador Haji Mohamud
Agaasimaha Warbaahinta
Madaxtooyada Soomaaliya
[email protected]

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Galmudug oo soo gabagabeysay doorashooyinkii Aqalka hoose

Next Post

Galmudug oo soo gabagabeysay doorashooyinkii Aqalka hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In