Thursday, October 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo ku bogaadiyay dowlad goboleedyada tallaabada ay ku soo gudbiyeen liiska musharixiinta Aqalka Sare ee doorashada 2016

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo ku bogaadiyay dowlad goboleedyada tallaabada ay ku soo gudbiyeen liiska musharixiinta Aqalka Sare ee doorashada 2016
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 9 October 2016 (Villa Somalia)—- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku bogaadiyay dowlad goboleedyada Puntland, Koonfuur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, tallaabada ay ku soo gudbiyeen liisaska musharixiinta Aqalka Sare ee doorashada 2016-ka.

“Sidaan horay u sheegay waxaa mar walba madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka go’an inay fududeeyaan qabsoomidda doprashooyinka 2916-ka. Waxaa tallabadan ay qaadeen madaxda dowlad goboleedyada ee ay ku soo gudbiyeen liiska musharixiinta Aqalka Sare ay dhiirigelinaysaa in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu talagaley’’.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Madaxweynaha ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay soo gudbinta liisaska ka sokow loo baahan yahay in la dhaqan-geliyo qoondada haweenka ee boqolkiiba soddon ay ku leeyihiin labada aqal.

“Waxaan baarlamaanada sharafta leh ee dowlad goboleedyada ka codsanayaa in marka ay u codeynayaan xubnahan ay tixgeliyaan in la helo qoondada haweenka ay ku leeyihiin Aqalka Sare. Waxaan qof walba xusuusinayaa in qoondada haweenka ay ku timid go’aan siyaasadeed oo heer qaran ah , ayna tahay in sidii loogu talagaley loo fuliyo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ugu baaqey guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer federaal inay dar-dargeliyaan hawlaha lagu xaqiijinayo doorashada 2016, isagoo dhanka kalena ugu baaqey hay’adaha kale duwan ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada inay hawlaha doorashada si hufan uga qaataan kaalinta kaga aaddan.

——————————-DHAMMAAD—————————-

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Xildhibaannada maamulka Hir-Shabeelle oo la dhaariyay

Next Post
Daawo Sawirada Xildhibaanada Maamul Goboleedka  Hirshabeelle oo la dhaariyey.

Xildhibaannada maamulka Hir-Shabeelle oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In