Monday, June 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo kulan la qaatay Guddiga Abaaraha, Ganacsato iyo Hay’adaha gar gaarka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo kulan la qaatay Guddiga Abaaraha, Ganacsato iyo Hay’adaha gar gaarka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

farmaaji kulan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kulan deg deg ah la yeeshay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran, Hay’adaha Gar gaarka ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Related posts

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha oo Ka Qayb Galay Kulanka Guddiga Fulinta ee INPDPA ee Turkiga

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha oo Ka Qayb Galay Kulanka Guddiga Fulinta ee INPDPA ee Turkiga

June 22, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

June 21, 2026

Kulankaan ayaa wuxuu ahaa mid madaxweynaha uu isugu yeeray dhammaan xubnaha ka soo qaybgalay waxaana looga hadlay sidii gurmad deg deg ah loogu samayn lahaa dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in loo baahanyahay in loo Gurmado dadka Soomaaliyeed ee ku xoola belay Abaaraha ee haatan ku sugan gobalada Dalka inta aysan ka sii darin xaaladooda.

Wuxuu ku baraarujiyay ganacsatada, qurba joogta iyo hay’adaha gargaarkaba in ay ka qeyb qaataan samata bixinta dadka haatan Gurmadka u baahan.

“Intaan ka badan ma jirto wax aan sugi karno waa in Todobaadka soo socda aan bilownaa u Gurmashada dadkeena.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddiga Gurmadka Abaaraha Heer Qaran oo uu hoggaaminayay R/wasaare Ku xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte, Ganacsatada iyo xubnaha Hay’adaha gar gaarka ayaa soo dhoweeyay kulankaan waxayna isla qireen sida ay haatan muhiim u tahay in si deg deg ah loo gurmado dadka liita.

Previous Post

Madaxweynaha oo La Kulmay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha oo Ka Qayb Galay Kulanka Guddiga Fulinta ee INPDPA ee Turkiga

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha oo Ka Qayb Galay Kulanka Guddiga Fulinta ee INPDPA ee Turkiga

June 22, 2026
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Mohamed Nur Olow, ayaa ka qayb galay kulanka labaad ee Guddiga Fulinta...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir-guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istaraatijiyadda Ciidanka XDS

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka XDS, kaas...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo baaq-nabadeed u dirtay beelaha ku dagaallamaya Hiiraan

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha KMG ah, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In