Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo kulan degdeg ah xiisadaha ka taagan Gaalkacyo kala yeeshay wakiillada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo kulan degdeg ah xiisadaha ka taagan Gaalkacyo kala yeeshay wakiillada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan degdeg ah kula yeeshay wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, isagoo kala hadlayey dagaalka ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa danjireyaashaasi uga waramey xaaladda ka taagan Gaalkacyo, isagoo sheegay inuu dhowr jeer maanta khadka telefonka kula hadley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, madaxweyneyaasha maamullada Puntland iyo Galmudug, Cabdiweli Maxamed Gaas iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed, dhammaantoodna ay u caddeeyeen inay rajo ka qabaan in degdeg dagaalka loo joojiyo.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xiisadaha ka taagan Gaalkacyo ay dowladda dadaal weyn u gashey sidii loo xalin lahaa, taasi darteedna, isaga iyo Ra’iisul Wasaarahana ay uga baaqsadeen shirar caalami ah oo dalka dibeddiisa ay uga qeybgeli lahaayeen.

“Kama daaleyno inaan xal nabadeed u raadino dagaalka Gaalkacyo, hase yeeshee waxaan madaxda maamullada kala duwan ee dalka iyo shacabkaba u jeedinayaa in isla xisaabtan uu jiri doono, mar dambena aysan dhici doonin in shacabka la waxyeeleeyo iyadoon cidna loo raacan. Beesha caalamkana waxaan ka codsaneynaa inay gacan nagu siiso dadaallada aan wadno ee ku aaddan nabadda iyo inuu sharciga si buuxda u shaqeeyo’’, ayuu Madaxweynaha u sheegay wakiilladaasi ka socday beesha caalamka.

Mr Raisedon Zenenga, oo ah Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya , oo horkacayey wakiilladaasi beesha caalamka, ayaa soo dhoweeyay dadaalka madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee ku aaddan xal u helista dhibaatada ka jirta Gaalkacyo.

Mr Zenenga ayaa sheegay in beesha caalamka ay dowladda Soomaaliya ka taageeri doonto tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo joojinta dhiigga ku qubanaya Gaalkacyo, iyo in lala xisaaabtamo kuwa colaaddaasi hurinaya.

Wafdiga beesha caalamka ayaa ugu baaqey madaxda iyo maamullada Galmudug iyo Puntland inay degdeg ugu hoggaansamaan heshiiskii nabadeed ee shaley lagu kala saxiixdey Gaalkacyo.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, oo isna ka warbixiyey dadaalka baarlamanka u galey xalinta dagaalka Gaalkacyo.

Previous Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Allah u naxariistee weriye Hindiya Xaaji Maxamed

Next Post

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaliya oo booqday Dekadda iyo Maxjarka weyn ee Magaalada Port Sudan+Sawirro

Next Post
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaliya oo booqday Dekadda iyo Maxjarka weyn ee Magaalada Port Sudan+Sawirro

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaliya oo booqday Dekadda iyo Maxjarka weyn ee Magaalada Port Sudan+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In