Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka qalabka sida

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Xildhiban Saadaq Cabdikariim
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay kulan xarunta wasaaradda difaaca ee Soomaaliya ay ku yeesheen saraakiisha ciidanka qalabka sida ee dalka.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka xooga dalka, Taliyaha booliiska, Taliyaha hey’adda nabad sugida , Taliyaha ciidanka Asluubta iyo Saraakiil kale  iyadoo kulanka uu yahay mid maalinta kasta oo Khamiis ah lagu qabtay xarunat wasaaradda gaashaadhiga.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii iskaashi buuxa u yeelan lahaayeen dhamaan ciidamada qalabka sida marka ay sameynayaan howlgalada lagu xaqiijinayo ammaanka dalka.

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa ugu horeyn madaxweynaha warbixin ka siiyay kulamada maalinta Khamiista ah ay isugu yimaadaan saraakiisha ciidanka qalabka sida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka khudbad dheer ka jeediyay ayaa waxaa uu ka hadlay arimaha badan oo quseeya amniga wadanka iyo sidii loo tayeyn lahaa ciidanka qalabka sida ee dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in meesha laga saaro wada shaqeyn la’aanta ka dhex jirta ciidanka qalabka sida isla markaana saraakiisha looga fadhiyo in ay wax ka qabtaan khaladaadka jira.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka qalabka sida sanadka soo socda looga baahan yahay in ay la wareegaan ammaanka guud ee wadanka si looga maarmo ciidamo shisheeye, waxaana saraakiisha uu maanta la kulmay uu ku adkeeyay in ay sugaan difaaca wadanka.

 

Previous Post

Wasiirka arimaha dibadda oo la kulmay safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In