Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweynaha oo kulan wadatashi ah la qaatay Dhallinyaro “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Madaxweynaha oo kulan wadatashi ah la qaatay Dhallinyaro “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliyaย  kulan wada tashi ah kula yeeshay qeybaha kala duwan ee dhallinyarada Soomalaiyeed.

Kulanka oo qeyb ka ah taxanaha talowadaag & xaldoon oo ay taabagelinayaan Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu lafa guray waxyaabaha ka qabsoomay tiirarkii lixda ahaa ee dowladda Soomaaliya, iyadoo dhallintu ay Madaxweynaha u soo jeediyeen tallooyin dhaxal gal ah, oo qeyb ka noqon kara qorshaha qabyatirka howlaha Qaranka.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Dhallinyaradan oo ka kala timid qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyaro ciidamada ka tirsan, Dhallinyaro ganacsato ah, Dhallinta Garsoorka ka shaqeeysa ama bartay, Dhaqaatiir, macalimiin, u dhaqdhaqaaqayaal arrimaha bulshada, Dhallinyaro Gobollada ka timid, Qurbajoogta iyo wariyeyaal.

Dhallinyaradu waxa ay isla qireen guusha laga gaaray hirgelinta qorshaha lixda tiir oo ahaa qorshahii dowladeed ee ugu horreeyay tan iyo burburkii dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya Janaayo 1991 iyagoo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la qabyatiro howlahaasi soo socday si loo gaaro horumar waara.

Madaxweynaha oo markii uu warbixannada dhageystay dhallinta la hadlay ayaa sheegay in talooyinka ay dhallinyaradu soo bandhigeen ay dhammaan ahaayeen kuwa dhaxalgal ah oo xilligii loo baahnaa ku soo beegmay.

โ€œDhallinyarada waa qeybta ugu muhiimsan bulshada, in taladooda la dhageysto oo dalka lagu hoggaamiyo waa lagama maarmaan, waxa ayna na gaarsiin kartaa horumarka aan hiigsaneynoโ€ ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlay gebgabada kulanka.

“Lixda tiir waxyaabaha ka dhiman oo ay ka mid tahay ย in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, in tirakoob la sameeyo iyo waxyaabaha la midka waxaan ku soo bandhigi doonaa qorshaheygaโ€ ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa ballan qaaday dhameystirka waxyaabaha ka harsan qorshaha lixda tiir isagoo tibaaxay in dalalka soo kabanaya ay markasta u baahan yihiin hoggaan sugan si loo adkeeyo tiirarka la taagay.

Bartamihii 2012 ayuu Madaxweyane Xasan Sheekh waxa uu soo bandhigay qorshaha lixda tiir oo kala ahaa xasilinta dalka, kobcinta dhaqaalaha, Nabadaynta & dib-u-heshiisiinta adeega bulshada, ilaalinta midnimada dalka iyo xiriirka caalamiga, waxaa qeyb badan oo bulshada ah ay qirsan yihiin in wax badan ka hirgaleen, iyagoo garowsan in wax badana ay u baahan yihiin in waqti kale loo helo si loo dhameystiro.

3M1A9521 3M1A9524 3M1A9531 3M1A9537ย ย 3M1A9568 3M1A9573 9D0A9322 9D0A9358 9D0A9368 9D0A9429 9D0A9461 9D0A9474 9D0A9492 9D0A9530 9D0A9579 9D0A9632 9D0A9661 9D0A9672 9D0A9710 9D0A9729 9D0A9742 9D0A9779 9D0A9817 9D0A9827 9D0A9858 9D0A9882 9D0A9940 9D0A9941

Previous Post

Tababar loo qabtay arday wax ka barata jaamacahada Muqdisho+Sawirro

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo maanta kahadlaya kulanka Qaramada Midoobey ee New York

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo maanta kahadlaya kulanka Qaramada Midoobey ee New York

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo maanta kahadlaya kulanka Qaramada Midoobey ee New York

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In