Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweynaha oo kulan wadatashi ah la qaatay Dhallinyaro “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Madaxweynaha oo kulan wadatashi ah la qaatay Dhallinyaro “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya  kulan wada tashi ah kula yeeshay qeybaha kala duwan ee dhallinyarada Soomalaiyeed.

Kulanka oo qeyb ka ah taxanaha talowadaag & xaldoon oo ay taabagelinayaan Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu lafa guray waxyaabaha ka qabsoomay tiirarkii lixda ahaa ee dowladda Soomaaliya, iyadoo dhallintu ay Madaxweynaha u soo jeediyeen tallooyin dhaxal gal ah, oo qeyb ka noqon kara qorshaha qabyatirka howlaha Qaranka.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Dhallinyaradan oo ka kala timid qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyaro ciidamada ka tirsan, Dhallinyaro ganacsato ah, Dhallinta Garsoorka ka shaqeeysa ama bartay, Dhaqaatiir, macalimiin, u dhaqdhaqaaqayaal arrimaha bulshada, Dhallinyaro Gobollada ka timid, Qurbajoogta iyo wariyeyaal.

Dhallinyaradu waxa ay isla qireen guusha laga gaaray hirgelinta qorshaha lixda tiir oo ahaa qorshahii dowladeed ee ugu horreeyay tan iyo burburkii dowladdii milateriga ahayd ee Soomaaliya Janaayo 1991 iyagoo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la qabyatiro howlahaasi soo socday si loo gaaro horumar waara.

Madaxweynaha oo markii uu warbixannada dhageystay dhallinta la hadlay ayaa sheegay in talooyinka ay dhallinyaradu soo bandhigeen ay dhammaan ahaayeen kuwa dhaxalgal ah oo xilligii loo baahnaa ku soo beegmay.

“Dhallinyarada waa qeybta ugu muhiimsan bulshada, in taladooda la dhageysto oo dalka lagu hoggaamiyo waa lagama maarmaan, waxa ayna na gaarsiin kartaa horumarka aan hiigsaneyno” ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlay gebgabada kulanka.

“Lixda tiir waxyaabaha ka dhiman oo ay ka mid tahay  in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, in tirakoob la sameeyo iyo waxyaabaha la midka waxaan ku soo bandhigi doonaa qorshaheyga” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa ballan qaaday dhameystirka waxyaabaha ka harsan qorshaha lixda tiir isagoo tibaaxay in dalalka soo kabanaya ay markasta u baahan yihiin hoggaan sugan si loo adkeeyo tiirarka la taagay.

Bartamihii 2012 ayuu Madaxweyane Xasan Sheekh waxa uu soo bandhigay qorshaha lixda tiir oo kala ahaa xasilinta dalka, kobcinta dhaqaalaha, Nabadaynta & dib-u-heshiisiinta adeega bulshada, ilaalinta midnimada dalka iyo xiriirka caalamiga, waxaa qeyb badan oo bulshada ah ay qirsan yihiin in wax badan ka hirgaleen, iyagoo garowsan in wax badana ay u baahan yihiin in waqti kale loo helo si loo dhameystiro.

3M1A9521 3M1A9524 3M1A9531 3M1A9537  3M1A9568 3M1A9573 9D0A9322 9D0A9358 9D0A9368 9D0A9429 9D0A9461 9D0A9474 9D0A9492 9D0A9530 9D0A9579 9D0A9632 9D0A9661 9D0A9672 9D0A9710 9D0A9729 9D0A9742 9D0A9779 9D0A9817 9D0A9827 9D0A9858 9D0A9882 9D0A9940 9D0A9941

Previous Post

Tababar loo qabtay arday wax ka barata jaamacahada Muqdisho+Sawirro

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo maanta kahadlaya kulanka Qaramada Midoobey ee New York

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo maanta kahadlaya kulanka Qaramada Midoobey ee New York

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo maanta kahadlaya kulanka Qaramada Midoobey ee New York

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In