Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo maanta kormeeray xarunta gaadiidka gurmadka degdega ee Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shirkii amniga ee Urdun oo lagu taageeray dardargelinta nabadgelyada Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriuyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shekkh Maxamuud ayaa maanta kormeeray xarunta gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha J.F. Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la socdey guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho, kormeerka koowaad waxa lagu soo indha-indheeyey Shaqaalaha gurmadka deg-degga iyo baabuurta Dab-damiska ah oo u diyaarsanaa shaqadoodii, kuwaas oo qeybo kale u kala baxa,  waxaa ka mid ah Qeybta Makaanikada iyo  howlaha deg-degga ah ee gobolka uu u baahan yahay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Xarunta waxaa ku dhex-yaalla Sheybaarka howlaha deegaanka oo shaqooyin kala duwan qabta, madaxweynuhu waxa uu warbixinno ka dhageysanayey dhallinyaro aqoon-yahanno ah oo heysta darajada Mester-ka, maamulka gobolka Banaadir ayaana ka faa’ideysanaya aqoontooda, waxa ay madaxweynaha J. Soomaaliya u sheegeen in fursaddaan uga mahadcelinayaa dowladda uu hoggaamiyo.

Qeybta ugu muhiimsan waa tababarrada dhallinyarada oo nooc walba  isugu jira dhallinyaro gabdho iyo ragba leh, waxaa ka socdey tababar ku saabsan xallinta khilaafaadka, madaxweyne Xasan Sheekh  markii uu tagey su’aallo ayuu weydiiyey dhallinyaro aad u da’yaraa oo tababarka qaadanayey, si ay wacyigelinta bulshada qeybta ugu xooggan uga qaataan. cod M.

Mar kale  oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kormeerray dhallinyaro barata maadooyin kala duwan,  waxa ay u sharraxeen qeyb ka mid ah waxyaabaha ay bartaan oo uu aad ugu qancay.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhallinyarada la hadlayey ayaa sheegay sida ugu wanaagsan ee ay uga qeyb-gali karaan mashruuca dalkaaga dhiso oo la doonayo in dhallinyarada ay hormuud u noqdaan, bulshaduna ay ku baraarujiyaan.

“Ujeedada waa in shaqooyin loo abuuro dhallinyarada, daruufaha gaarka ahna waa laga baxayaa, dowladda waxaa ka go’an tahay ay dhammeystirto olollaha ugu weyn ee shaqo abuurka dhallinyarada loogu sameynayo,” ayuu yiri madaxweynaha

 

Previous Post

R/wasaare ku xigeenka: “Qorshaha Horumarinta Qaranka waa mid dalka horumar dhaqaale gaarsiinaya”

Next Post

Shirka Gudoomiyaasha Maxkamadaha sare ee Wadamada Carabta oo Masqat ka furmay, Soomaaliyana oo ka qayb galaysa ”SAWIRRO”

Next Post
Shirka Gudoomiyaasha Maxkamadaha sare ee Wadamada Carabta oo Masqat ka furmay, Soomaaliyana oo ka qayb galaysa ”SAWIRRO”

Shirka Gudoomiyaasha Maxkamadaha sare ee Wadamada Carabta oo Masqat ka furmay, Soomaaliyana oo ka qayb galaysa ''SAWIRRO''

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In