Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo maanta xariga ka jaray bangi caalami ah oo lagu magacaabo Premier Bank -SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo maanta xariga ka jaray bangi caalami ah oo lagu magacaabo Premier Bank -SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Bangiga Premiere oo bixinaya adeegyo caalami ah oo aan waddanka horay looga heli jirin. Munaasaabadda lagu furayay xafladdan waxaa ka qeyb galay Wasiirka maaliyadda, Wasiirka arrimaha gudaha, guddoomiyaha bangiga dhexe, wasiiru-dawlaha maaliyadda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Premiere Bank wuxuu keenay adeegyo caalami ah sida MasterCard iyo SWIFT oo lagu maareeyo lacagaha dalka soo galaya iyo kuwa ka baxaya. Adeegyadan waa markii ugu horreysay dalka laga hirgaliyo.

Related posts

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026

Maamulaha Bangiga Premiere Mahad Maxamed Axmed ayaa yiri β€œPremier Bank waxa uu kalsooni ku qabaa mustaqbalka Soomaaliya iyo in Premier Bank kaalin udub-dhexaad ah ka qaadan karo dib u dhiska iyo soo kabashada dhaqaalaha Soomalaiya, taas oo lagu gaaari karo keenista dalka adeegyo banki oo casri ah, taasina waa sababta aannu u keenay Soomalaiya ayuu yiri adeegga MasterCard oo adduunka oo idil lacag loogala bixi karo iyo adeegga SWIFT-ga oo sahlaya in lacag loo soo diri karo lagana diri karo Soomaaliya si aan bulshadeenna ugu xirno shabakadahaas dhaqaale ee caalamiga ah” .

Wasiirka Maaliyadda mudane Maxamed Aadan Ibraahim oo isagoo isticmaalaya kaarkiisa (MasterCard) uu kala yimid dibadda lacag kala baxay bangiga ayaa sheegay in adeegga uu soo kordhiyay Premiere uu yahay mid ay baahi badan u qabeen dadka Soomaaliyeed.

β€œBangigaan wuxuu isku xirayaa Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale, wuxuu saamaxayaa inuu keeno adeegyo horay uga maqnaa Soomaaliya oo caalami ah, sida aad aragteen haddaa MasterCard la iga soo siiyay Australia ayaan lacag ugala baxay halkaan, taasi waxay idin tusinaysaa in wax weyn la qabtay”. Ayuu yiri wasiirku.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa furtay bangigaan oo sameynaya maalgelin waafaqsan shareecada Islaamka iyo adeegyo kale oo ay ku jirto Xisaab si gooni ah loogu asteeyay dumarka oo loo yaqaan MAANDEEQ.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa yiri

β€œBangigaan casriga ah inay joogto waxay muujinaysaa in bangiyadu ay sii hormarayaan, bangigaan arrin aan bangiyada ku badnayn ayaan ku arkaa oo ah in ay kala soocan yihiin maamulka iyo lahaanshaha ra’sul-maalka…. Waa xigmad, waa caqli, waa nidaam casir ah oo sidii laga rabay ah”. Ayuu yiri Bashiir Cali.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen β€œMungaab” ayaa tilmaamay in bangigaan oo tusaale u yahay isbedelka ay magaalada Muqdisho ka gaareyso dhinaca horumarka.

β€œWaa tallaab kale oo horumarineed oo ku soo korortay magaalada Muqdisho, Premier Bank waxaan leeyahay hambalyo. Arrintaas waxay na tusinaysaa in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku dhiiradeen inay dalkooda maalgashadaan” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiyaha Bankiga Premiere Jirbil Xassan Maxamed ayaa yiri β€œWaa bangi ay ganacsato SOomaaliyeed leedahay…. Waxan rabaa inaan dadka u sheego in bangigaan uusan u dhisnayn inuu dadka lacag la sameeyo ee ay tahay ummaddaan SOomaaliyeed ee dhibaatada badan soo martay ee habka dhaqaale ee adduunka laga gooyay inaan ku soo celinno. Falsafaddeenu waxay tahay dadka ka qaada kuna celiya”.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tallaabo kale oo dalku dhinaca horumarka u qaaday ku timaamay adeegyada cusub ee uu soo kordhiyay bangigani, isagoo ku dhiirri galiyay ganacsatada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan maalgelinta dalka.

β€œBangigani wuxuu yahay qiimi dheeri ah oo ku soo darsoomay dadaalladii waayadii dambe dalka ka socday runtii, waana wax ummada SOomaaliyeed oo dhan ay ku faanto” ayuu yiri madaxweynaha oo ku amaanay maamulka Premiere adeegga ay dalka ku soo kordhiyeen.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiirri galiyay inay adeegsadaan bangiyada noocaan oo kale ah. β€œWaxaan aad iyo aad ugu dhiirri galinayaa ganacsatada Soomaaliyeed inay adeegsadaan bangiyada, Bankigaan iyo kuwa la mid ah ee bixin kara adeegyada inay isticmaalaan oo ay ku dhaqmaan.

Premier Bank waa Bangi Islaami ah oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, ruqsadna ka haysta bankiga dhexe ee Soomaaliya, isla markaana dalka ku soo kordhiyay adeegyo ay ugu muhiimsan yihiin MasterCard oo markii ugu horreysay tariikhda dalka la keenay, maaligelin waafaqsan Shareecada Islaamka iyo SWIFT lacago meel kasta loogu dirsan karo.

 

N40A9413 N40A9427 N40A9457 N40A9466 N40A9504 N40A9597 N40A9620 N40A9685 N40A9700 N40A9782
N40A9874
N40A9970IB0A064613

Previous Post

Markab Uu Baarlamaanka U Kireeyey Ku Dhowaad 1000 Qaxooti Soomaali Ah Oo Saakay Soo Gaaray Berbera… WARSAXAAFADEED

Next Post

Kulan amniga looga hadlay oo Jowhar ka dhacay”Sawirro”

Next Post
Kulan amniga looga hadlay oo Jowhar ka dhacay”Sawirro”

Kulan amniga looga hadlay oo Jowhar ka dhacay"Sawirro"

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
0

Xaaladda abaarta ah ee dalkeena ka jirta ayaa galaafatay xoolihii ay bulshada dhaqaneysay, waxaana tusaale kuugu filan Neefka sawirka ka...

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026
0

Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 π‡πšπ£π’...

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its deepest condolences on the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In