Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo maanta xariga ka jaray bangi caalami ah oo lagu magacaabo Premier Bank -SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo maanta xariga ka jaray bangi caalami ah oo lagu magacaabo Premier Bank -SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray Bangiga Premiere oo bixinaya adeegyo caalami ah oo aan waddanka horay looga heli jirin. Munaasaabadda lagu furayay xafladdan waxaa ka qeyb galay Wasiirka maaliyadda, Wasiirka arrimaha gudaha, guddoomiyaha bangiga dhexe, wasiiru-dawlaha maaliyadda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Premiere Bank wuxuu keenay adeegyo caalami ah sida MasterCard iyo SWIFT oo lagu maareeyo lacagaha dalka soo galaya iyo kuwa ka baxaya. Adeegyadan waa markii ugu horreysay dalka laga hirgaliyo.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Maamulaha Bangiga Premiere Mahad Maxamed Axmed ayaa yiri “Premier Bank waxa uu kalsooni ku qabaa mustaqbalka Soomaaliya iyo in Premier Bank kaalin udub-dhexaad ah ka qaadan karo dib u dhiska iyo soo kabashada dhaqaalaha Soomalaiya, taas oo lagu gaaari karo keenista dalka adeegyo banki oo casri ah, taasina waa sababta aannu u keenay Soomalaiya ayuu yiri adeegga MasterCard oo adduunka oo idil lacag loogala bixi karo iyo adeegga SWIFT-ga oo sahlaya in lacag loo soo diri karo lagana diri karo Soomaaliya si aan bulshadeenna ugu xirno shabakadahaas dhaqaale ee caalamiga ah” .

Wasiirka Maaliyadda mudane Maxamed Aadan Ibraahim oo isagoo isticmaalaya kaarkiisa (MasterCard) uu kala yimid dibadda lacag kala baxay bangiga ayaa sheegay in adeegga uu soo kordhiyay Premiere uu yahay mid ay baahi badan u qabeen dadka Soomaaliyeed.

“Bangigaan wuxuu isku xirayaa Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale, wuxuu saamaxayaa inuu keeno adeegyo horay uga maqnaa Soomaaliya oo caalami ah, sida aad aragteen haddaa MasterCard la iga soo siiyay Australia ayaan lacag ugala baxay halkaan, taasi waxay idin tusinaysaa in wax weyn la qabtay”. Ayuu yiri wasiirku.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa furtay bangigaan oo sameynaya maalgelin waafaqsan shareecada Islaamka iyo adeegyo kale oo ay ku jirto Xisaab si gooni ah loogu asteeyay dumarka oo loo yaqaan MAANDEEQ.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa yiri

“Bangigaan casriga ah inay joogto waxay muujinaysaa in bangiyadu ay sii hormarayaan, bangigaan arrin aan bangiyada ku badnayn ayaan ku arkaa oo ah in ay kala soocan yihiin maamulka iyo lahaanshaha ra’sul-maalka…. Waa xigmad, waa caqli, waa nidaam casir ah oo sidii laga rabay ah”. Ayuu yiri Bashiir Cali.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab” ayaa tilmaamay in bangigaan oo tusaale u yahay isbedelka ay magaalada Muqdisho ka gaareyso dhinaca horumarka.

“Waa tallaab kale oo horumarineed oo ku soo korortay magaalada Muqdisho, Premier Bank waxaan leeyahay hambalyo. Arrintaas waxay na tusinaysaa in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku dhiiradeen inay dalkooda maalgashadaan” ayuu yiri Muungaab.

Guddoomiyaha Bankiga Premiere Jirbil Xassan Maxamed ayaa yiri “Waa bangi ay ganacsato SOomaaliyeed leedahay…. Waxan rabaa inaan dadka u sheego in bangigaan uusan u dhisnayn inuu dadka lacag la sameeyo ee ay tahay ummaddaan SOomaaliyeed ee dhibaatada badan soo martay ee habka dhaqaale ee adduunka laga gooyay inaan ku soo celinno. Falsafaddeenu waxay tahay dadka ka qaada kuna celiya”.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tallaabo kale oo dalku dhinaca horumarka u qaaday ku timaamay adeegyada cusub ee uu soo kordhiyay bangigani, isagoo ku dhiirri galiyay ganacsatada Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan maalgelinta dalka.

“Bangigani wuxuu yahay qiimi dheeri ah oo ku soo darsoomay dadaalladii waayadii dambe dalka ka socday runtii, waana wax ummada SOomaaliyeed oo dhan ay ku faanto” ayuu yiri madaxweynaha oo ku amaanay maamulka Premiere adeegga ay dalka ku soo kordhiyeen.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiirri galiyay inay adeegsadaan bangiyada noocaan oo kale ah. “Waxaan aad iyo aad ugu dhiirri galinayaa ganacsatada Soomaaliyeed inay adeegsadaan bangiyada, Bankigaan iyo kuwa la mid ah ee bixin kara adeegyada inay isticmaalaan oo ay ku dhaqmaan.

Premier Bank waa Bangi Islaami ah oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, ruqsadna ka haysta bankiga dhexe ee Soomaaliya, isla markaana dalka ku soo kordhiyay adeegyo ay ugu muhiimsan yihiin MasterCard oo markii ugu horreysay tariikhda dalka la keenay, maaligelin waafaqsan Shareecada Islaamka iyo SWIFT lacago meel kasta loogu dirsan karo.

 

N40A9413 N40A9427 N40A9457 N40A9466 N40A9504 N40A9597 N40A9620 N40A9685 N40A9700 N40A9782
N40A9874
N40A9970IB0A064613

Previous Post

Markab Uu Baarlamaanka U Kireeyey Ku Dhowaad 1000 Qaxooti Soomaali Ah Oo Saakay Soo Gaaray Berbera… WARSAXAAFADEED

Next Post

Kulan amniga looga hadlay oo Jowhar ka dhacay”Sawirro”

Next Post
Kulan amniga looga hadlay oo Jowhar ka dhacay”Sawirro”

Kulan amniga looga hadlay oo Jowhar ka dhacay"Sawirro"

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In