Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo qaabilay wafuud ka kala socotay Jarmalka iyo Masar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo qaabilay wafuud ka kala socotay Jarmalka iyo Masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

unnamedMuqdisho 15 Feberaayo 2017 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay 14 Feberaayo kulan la qaatay masuuliyiin ka socda dalalka Jarmalka iyo Masar, waxayna ka wada hadleen sidii xiriirka dalalkaas iyo Soomaaliya loo xoojin lahaa.

Madaxa Waaxda Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalka Jarmalka Mudane Ralph Timmermann oo uu wehliyay Safiir K/Xigeenka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya Mudane Markus Bollmohr ayaa sheegay in dowladda Jarmalka ay garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Waxaan idin xusuusinayaa xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka inuu ahaa mid aad u wanaagsan oo ku dhisanaa iskaashi iyo wax wada qabsi. Waxaan ka dooneynaa Dowladda Jarmalka in ay dhankeeda qeyb weyn ka geysato sidii dalkayaga uu usoo kaban lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala hadlay wafdigan ka socday dowladda Jarmalka abaaraha aadka u daran ee saameeyay Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka dadka ay abaaruhu ku dhufteen. Wafdiga ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa ballan qaaday in ay dowladdooda gaarsiin doonaan dhambaalka Madaxweynaha, ayna ka qeyb qaadan doonaan sidii ay Soomaaliya cagaheeda ugu istaagi lahayd.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa qaabilay wafdi ka socday dalka Masar oo dhambaal hambalyo ah uga siday Madaxweynaha dalkaasi Mudane Cabdulfataax Al Sisi. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar taageerada ay diyaarka ula tahay mar walba dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

 

Previous Post

Xuska ciidanka badda oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Dibadbax ay sameeyeen Xoogsatada dekedda Muqdisho+Sawirro

Next Post
Dibadbax ay sameeyeen Xoogsatada dekedda Muqdisho+Sawirro

Dibadbax ay sameeyeen Xoogsatada dekedda Muqdisho+Sawirro

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In