Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo sheegay in 15-ka bishan fadhigii ugu horreeyey ee Barlamaanka uu furmi doono

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta baarlamaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya oo loo ogolaaday inay bixiso Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

Soomaaliya oo loo ogolaaday inay bixiso Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

February 17, 2026
Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

February 17, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa sheegay in 15-ka bishaan uu furmi doono fadhigii ugu horreeyey ee Barlamaanka cusub, isagoo dhanka kalena ku baaqay in si deg-deg ah loogu gurmado dadka ay abaaraha saameeyeen.
Madaxweynaha J. Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa farriintiisa ku biilaabay, tacsi uu diray ummaddiisa, taas oo ku aaddan dhibaatooyinka ay argagixisada u geysteen, ciidammada ammaanka Soomaaliya ayuuna ku ammaanay doorka fir-fircoon ee ay ka taagan yihiin, ka hortagidda nabad-diidka.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay mar kale in dagaalka Soomaaliya ku jirto uu yahay mid caalami ah kana dhan ah argagixisada, shacabka Soomaaliyeed ayuu madaxweynuhu ugu baaqay in ay qeybtooda ka qaataan dagaalkaasi.
Madaxweynaha J. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya 47-sanno kaddib  ay doorashooyin ka dhacayaan,  taasoo lagu gaaray biselyn siyaasadeed oo dadka Soomaalida ah ay sameeyeen, waxa uu ku ammaanay dowlad gobolleedyada iyo guddiga arrimahaasi ku howlahan sida ay u guteen waajibaadkooda.
Dhan kale Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in fadhigii ugu horreeyey ee Barlamaanka labada aqal ee cusub uu furmi doono sida qorshuhu yahay 15-ka bishaan, gacantana lagu hayo howshaasi, isagoo faray maamulka Barlamaanka in ay dadajintaan qabsoomidda kulankaasi oo ay dhaarinta xildhibaannada  ay ka mid yahay.
ugu dambeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa  farriin muhiim ah u diray dadka Soomaaliyeed oo yiri  “gobollada Jamhuuriyadda oo dhan waxaa ka jira abaaro xooggan, waajib ayeeyna nagu tahay inaan gurmad u fidinno dadkeenna,  waxaan ugu baaqayaa bulshada Soomaaliyeed qeyb walba in ay u istaagaan badbaadinta dadkeenna gaajada u dhimanaya.
hadalka madaxweynaha, waxaa soo baxay xili Soomaaliya ay wajaheyso labada xaaladood ee uu ka hadlay ee doorashooyinka oo ah horumar weyn iyo abaaraha oo ah xaalad liidata, aadna u adag, taas oo Soomaalidu uga dhigan tahay in ay muujiyaan ad adeyggii looga gudbi lahaa.
                                                     —-DHAMMAAD—-
Previous Post

Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed oo Fursado shaqo Soo bandhigeyso.

Next Post

Burcad South African oo dab qabadsiiyay Goob ay leeyahihiin Ganacsato Soomaaliyeed.

Next Post
Burcad South African oo dab qabadsiiyay Goob ay leeyahihiin Ganacsato Soomaaliyeed.

Burcad South African oo dab qabadsiiyay Goob ay leeyahihiin Ganacsato Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo loo ogolaaday inay bixiso Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

Soomaaliya oo loo ogolaaday inay bixiso Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

February 17, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya Ururka Bulshada Bariga Afrika...

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

February 17, 2026
0

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta oo Taalada ah booqasho rasmi ah ku imaanaya Magaalada Addis Ababa, ee...

Qoysas Khawaarijta ka barakicisay Sabiid iyo Caanoole oo dib-u-dejin loo sameeyey

Qoysas Khawaarijta ka barakicisay Sabiid iyo Caanoole oo dib-u-dejin loo sameeyey

February 17, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali, iyo Taliyaha Ciidanka...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In