Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhaweeyey magacaabista Golaha Wasiiradda.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Mogadishu, Monday 12 January: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si buuxda u taageeray Golaha Cusub ee Wasiirrada ee uu soo dhisey Ra’iisul Wasaaraha.
“Waxan si buuxda u soo dhoweynayaa magacaabista uu sammeeyey Ra’iisul Wasaaare Cumar Cabdirashiid. Tallaabada tan xigta waa go’aanka baarlamaanka sida uu dhigayo Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Federaalka”, ayuu yiri madaxweynaha.
“Aad baan ugu faraxsanahay inaanu marnaba inaga lumin xawligii waxqabad ee aan ku soconey, iyadoo hawlihii dowladda ay si caadi ah u socdeen toddobaadyadii la soo dhaafey. Waxaa muddadaasi wax laga qabtey arrimo dhowr oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin dhismaha Guddiga Xudduudaha iyo Arrimaha Federaalka, magacaabista xubnaha Guddiga Fulinta ee Guddiga Dastuurka. Toddobaadkii hore , waxaan si miradhal ah u martigeliney shirkii ugu horeeyey ee wasiirrada arrimaha dibedda ee IGAD ku yeeshaan Muqdisho 24 sanno kaddib. Horumarka dhanka milatarigana, fidinta adeegyada gargaarka iyo hawlagalada xasilinta iyaguna halkoodii ayay ka sii socdeen”.
“Labadii sanno ee la soo dhaafey waxaa socotey shaqooyin badan oo ”daahsoon” oo la doonayey in lagu soo dhiso dowlad shaqeysa; haatanna dowladda waxaa looga fadhiyaa inay wax ka beddesho nolosha shacabka Soomaaliyeed ee dhan ee dalka ku nool, sida fidinta adeegyada waxtarka u leh nolosha. Waxaan si aad ah ugu wada riyaaqsanahay in horumarkaasi uu ahaa mid dhanka wanaagsan loo qaadey, isla markaana waddanka ka dhigey qaran curdan ah oo leh dowlad shaqeyneysa, halkii hore na loogu tirin jirey inaany nahay qaran dhicisoobay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadley muhimadda in degdeg loo wajaho waxyaabaha muhiimka ee qaranka horyaalla.
“Waa inaanu si degdeg ah u sameynaa sharciyada muhiimka ah, sida dhismaha guddiyada loo baahan yahay, lana xaqiijiyaa sameynta wadatashi shacabka laga qeybgeliyo, kaas oo horseedi doona gaarista saddex umuurood oo sal u ah Higsiga 2016: dib u eegista Dastuurka, dhismaha maamulada gobollada iyo diyaarinta doorashooyin qaran oo waddanka ka dhaca”.
“Waa inaan xoojinaa muhimadda ay inoo leedahay inaan qaadno talaabooyin looga gol leeyahay in ay saameyn waxtar leh ku yeeshaan nolosha Soomaalida. Waxaan taasi ula jeedaa in na looga fadhiyo inaan qaadno talaabooyin muuqda oo dhanka xasilinta waddanka ah kuwaas oo isku xiraya shacabka iyo dowladda, in ugu dambeyntii laga guuleysto Al Shabaab, la dagaalanka musuqmaasuqa, sameynta hannaan dowladda ay ku hesho dakhli loo isticmaalo dhismaha dugsiyo ay carruurteena wax ku bartaan, in dhalinyarada loo sameeyo shaqo abuur iyo daryeel caafimaad oo qoysaskeena ay wada helaan. Waxaa kale oo waajib inaga saaran yahay inaan la soo baxno kheyraadka waddankeena si aan uga wada faaideysano, lagana shaqeeyo sameynta xaalad wanaagsan oo lagu horumarinayo adeegyada gaarka loo leeyahay.
“Dowladda cusub waxaa horyaalla liis ay ku taxan yihiin waxyaabo badan oo muhiim ah, kuwaas oo u baahan go’aan qaadasho adag iyo is xilqaan si wax waliba sidii loogu talagaley ay u fulaan. Waxaan ugu dambeyntii filayaa in baarlamanka uu degdeg u ansixiyo xubnahan cusub ee Golaha Wasiirrada, isla mar ahaantaana ay xubnahan cusub degdeg ugu guda galaan hawlaha horyaalla

Previous Post

Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Shacabka Badhaadhe oo Xanuuno ka cawday

Next Post

Kor u qaadista Nadaafadda gobolka Banaadir oo laga hadlay”sawiro”

Next Post
Kor u qaadista Nadaafadda gobolka Banaadir oo laga hadlay”sawiro”

Kor u qaadista Nadaafadda gobolka Banaadir oo laga hadlay"sawiro"

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In