Friday, September 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhaweeyey magacaabista Golaha Wasiiradda.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika{SAWIRRO}
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026

Mogadishu, Monday 12 January: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si buuxda u taageeray Golaha Cusub ee Wasiirrada ee uu soo dhisey Ra’iisul Wasaaraha.
โ€œWaxan si buuxda u soo dhoweynayaa magacaabista uu sammeeyey Ra’iisul Wasaaare Cumar Cabdirashiid. Tallaabada tan xigta waa go’aanka baarlamaanka sida uu dhigayo Dastuurka Ku Meel Gaarka ah ee Federaalka”, ayuu yiri madaxweynaha.
โ€œAad baan ugu faraxsanahay inaanu marnaba inaga lumin xawligii waxqabad ee aan ku soconey, iyadoo hawlihii dowladda ay si caadi ah u socdeen toddobaadyadii la soo dhaafey. Waxaa muddadaasi wax laga qabtey arrimo dhowr oo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin dhismaha Guddiga Xudduudaha iyo Arrimaha Federaalka, magacaabista xubnaha Guddiga Fulinta ee Guddiga Dastuurka. Toddobaadkii hore , waxaan si miradhal ah u martigeliney shirkii ugu horeeyey ee wasiirrada arrimaha dibedda ee IGAD ku yeeshaan Muqdisho 24 sanno kaddib. Horumarka dhanka milatarigana, fidinta adeegyada gargaarka iyo hawlagalada xasilinta iyaguna halkoodii ayay ka sii socdeen”.
โ€œLabadii sanno ee la soo dhaafey waxaa socotey shaqooyin badan oo ”daahsoon” oo la doonayey in lagu soo dhiso dowlad shaqeysa; haatanna dowladda waxaa looga fadhiyaa inay wax ka beddesho nolosha shacabka Soomaaliyeed ee dhan ee dalka ku nool, sida fidinta adeegyada waxtarka u leh nolosha. Waxaan si aad ah ugu wada riyaaqsanahay in horumarkaasi uu ahaa mid dhanka wanaagsan loo qaadey, isla markaana waddanka ka dhigey qaran curdan ah oo leh dowlad shaqeyneysa, halkii hore na loogu tirin jirey inaany nahay qaran dhicisoobay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadley muhimadda in degdeg loo wajaho waxyaabaha muhiimka ee qaranka horyaalla.
โ€œWaa inaanu si degdeg ah u sameynaa sharciyada muhiimka ah, sida dhismaha guddiyada loo baahan yahay, lana xaqiijiyaa sameynta wadatashi shacabka laga qeybgeliyo, kaas oo horseedi doona gaarista saddex umuurood oo sal u ah Higsiga 2016: dib u eegista Dastuurka, dhismaha maamulada gobollada iyo diyaarinta doorashooyin qaran oo waddanka ka dhaca”.
โ€œWaa inaan xoojinaa muhimadda ay inoo leedahay inaan qaadno talaabooyin looga gol leeyahay in ay saameyn waxtar leh ku yeeshaan nolosha Soomaalida. Waxaan taasi ula jeedaa in na looga fadhiyo inaan qaadno talaabooyin muuqda oo dhanka xasilinta waddanka ah kuwaas oo isku xiraya shacabka iyo dowladda, in ugu dambeyntii laga guuleysto Al Shabaab, la dagaalanka musuqmaasuqa, sameynta hannaan dowladda ay ku hesho dakhli loo isticmaalo dhismaha dugsiyo ay carruurteena wax ku bartaan, in dhalinyarada loo sameeyo shaqo abuur iyo daryeel caafimaad oo qoysaskeena ay wada helaan. Waxaa kale oo waajib inaga saaran yahay inaan la soo baxno kheyraadka waddankeena si aan uga wada faaideysano, lagana shaqeeyo sameynta xaalad wanaagsan oo lagu horumarinayo adeegyada gaarka loo leeyahay.
โ€œDowladda cusub waxaa horyaalla liis ay ku taxan yihiin waxyaabo badan oo muhiim ah, kuwaas oo u baahan go’aan qaadasho adag iyo is xilqaan si wax waliba sidii loogu talagaley ay u fulaan. Waxaan ugu dambeyntii filayaa in baarlamanka uu degdeg u ansixiyo xubnahan cusub ee Golaha Wasiirrada, isla mar ahaantaana ay xubnahan cusub degdeg ugu guda galaan hawlaha horyaalla

Previous Post

Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Shacabka Badhaadhe oo Xanuuno ka cawday

Next Post

Kor u qaadista Nadaafadda gobolka Banaadir oo laga hadlay”sawiro”

Next Post
Kor u qaadista Nadaafadda gobolka Banaadir oo laga hadlay”sawiro”

Kor u qaadista Nadaafadda gobolka Banaadir oo laga hadlay"sawiro"

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ก๐š๐ง๐ง๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐จ๐จ๐ซ-๐ฌ๐จ๐จ๐œ๐š๐ฌ๐ก๐จ

September 17, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niรฑo ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In