Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay ansixinta Golaha Wasiirrada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo soo dhoweeyay ansixinta Golaha Wasiirrada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

WAR SAXAAFADEED
ANSIXINTA BAARLAMANKA EE GOLAHA WASIIRRADA

Muqdisho, Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taageeray Golaha Wasiirrada ee uu soo dhisey raiisul wasaaraha, iska markaana uu ansixiyey Baarlamanka Federaalka.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

“Waan soo dhoweynayaa magacaabista uu sameeyey Ra’iisul Wasaaraha iyo codka kalsoonida ee xubnahaasi cusub ay ka heleen baarlamanka.’’

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusey in walow ay jireen arrimo culus, haddana in horumar la taaban karo la sameeyay.

“Aad ban ugu faraxsanahay in caqabado badan oo la soo marey toddobaayadii la soo dhaafey ka sokow, aaney weli meesha ka bixin xawligii aan ku wadney hawlaha aan qaranka u hayno oo weli halkooodii ka sii socda. Arrimo badan oo muhiim ah, isla markaana ahaa degdeg ayaa la xaliyey, sida dhismaha Guddiga Xudduudaha iyo Arrimaha Federaalka, martigelintii shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibedde ee IGAD, iyo shirkii madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, loogana arinsanayey horumarka Higsiga 2016 iyo Cahdiga Cusub. Dhowr xubnood oo ka tirsan ururka Al Shabaab ayaa ka soo goostey ururka, kuwaas oo ay ku jiraan boqolaal ka mid ah askarta caadiga ee ururka, iyadoo gargaarka aadaminimo iyo hawlaha xasilinta ay halkooda ka sii socdeen’’.

“Labadii sanno ee la soo dhaafey waxaa jirey hawlo badan oo ‘’daahsoon’’ , kuwaas oo looga gol lahaa in lagu soo dhiso dowlad si hufan u shaqeyneysa; haatan waxaa dowladdaas looga fadhiyaa inay isbeddel ku keento nolosha Soomaalida ku nool waddanka, isla markaana ay fidiso adeegyo wax taraya nolosha shacabka.’’

Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u direy xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada.

“Raiisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirrada waa inay degdeg ugu dhaqaaqaan dhammeystirka hawlo badan oo kala duwan oo muddo dheer oo hore looga hadley: waa in la meel mariyaa sharciga asxaabta siyaasadda, isla markaana haatan ay bilowdaan sameynta wadatashi dadweyne oo la xiriira dib u eegista dastuurka, dhismaha hay’adaha dowliga, hay’adaha doorashada iyo kuwa kale ee la xiriira. Wasiirrada iyo wasaaradahooda waa inay degdeg u guda galaan hawlahooda, isla markaana ay gacan muuqata ka geystaan hagaajinta heerka nololeed ee shacabka Soomaaliyeed. Waxaa dhammaadey waqtiga hadalka, waxaana la jooga waqtigii fulinta waxyaabaha aan balanqaadney.”

DHAMMAAD

Previous Post

DAAWO-Madaxda Qaranka oo ka qayb gashay Casho Sharaf Ra.iisul wasaaruhu u sameeyay Baarlamaanka {SAWIRRO}

Next Post

Baarlamaanka oo taageero u muujinaya xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka lagu xayiray

Next Post

Baarlamaanka oo taageero u muujinaya xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka lagu xayiray

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In