Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay go’aanka hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ay dib ugu noqonayaan shirka magaalada Jowhar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo soo dhoweeyay go’aanka hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ay dib ugu noqonayaan shirka magaalada Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka ay maanta magaalada Beled Weyne kaga dhawaaqeen ilaa toddoba beelood oo ka mid ah beelaha gobolka Hiiraan oo oggolaaday inay dib ugu biiraan shirka ka socda magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo doorkeedu yahay fududeynta iyo taageerada barnaamijka baahinta xukunka ay si diiran u soo dhoweyneyso tallaabadan geesinimada leh ee ay maanta ku dhawaaqeen hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

“Aad baan ugu faraxsanahay in tallaabadan horay loogu dhaqaajinayo geeddi-socodka dhismaha maamulka labadan gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Marnaba kama daaleyno inaan shacabka ku dhiirigelino inay wadahadlaan, aayahoodana ka tashadaan. Dowladda waxay sii wadeysaa dadaalkeeda ku aaddan in shirka ka socda Jowhar uu noqdo mid loo dhan yahay, isla markaana qeybaha maqan loogu bishaareynayo in albaabada wadahadalka ay mar walba u furan yihiin’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muhiim ay tahay in goob kasta oo dalka ka mid ah ay ka jirto maamul lagala xisaabtamo arrimaha amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada, sidaa darteedna gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay dan ugu jirto inay yeeshaan maamul u horseeda horumar, nabad iyo barwaaqo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa isna dhankiisa soo dhoweeyay tallaabada beelahan ay dib ugu soo biirayaan shirka ka socda Jowhar, waxaana uu ballanqaaday in dowladdu ay ka shaqeyn doonto sidii qeybaha weli shirkaasi ma maqan loogu qancin lahaa ka qeybgalka shirka muhiimka ah ee Jowhar ka socda.

Odayaasha dhaqanka ee maanta ku dhawaaqey tallaabada dib ugu biirista shirka ayaa sheegay inay maalinta beri ah si rasmi ah ugu ambabaxayaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa saddexdi sanno ee ugu dambeysay dadaal ugu jirtey fududeynta iyo taageerada dhismaha maamullada dalka, iyadoo ku guuleysatey dhismaha maamullada Koonfuur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.

Previous Post

Madaxweynaha: “Heshiiska Kismaayo waxaa uu muujinaya baahida loo qabo in la ballaariyo lana dhiirigeliyo hawlaha dib u heshiisiinta’’

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo maanta kormeeray qaar ka mid ah dugsiyada Gaalkacyo+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo maanta kormeeray qaar ka mid ah dugsiyada Gaalkacyo+Sawirro

Madaxweynaha Galmudug oo maanta kormeeray qaar ka mid ah dugsiyada Gaalkacyo+Sawirro

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In