Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Tacsi u direy Shacabka Sacuudiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo Tacsi u direy Shacabka Sacuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

23 January 2015, Mogadishu: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy shacabka Sacuudiga, dunida muslimka, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday boqorkii dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya Cabdalla Bin Cabdulcaziiz Al Sacuud.

”Aad baan uga xumahay ugana naxay geerida ku timid walaalkey, marna ahaa geesi ay Soomaalida ku tashato, xilliyadii adkaana, si dhow arrimaheena ula socdey, gacanna ka geystey. Waa maalin murugo badan oo shacabka iyo dowladda Soomaaliya la qeybsanayaan walaalahooda Sacuudiga tiiraanyada geerida boqorka. Hoggaamintiisa suubban, taageerada iyo u hiilinta waddamada Muslimiinta ee dhibaateysan, waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu waaweyn ee ay tabi doonaan bulshada Muslimiinta ee caalamka”.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Boqor Cabdalla uu ahaa hoggaamiye saameyn weyn ku leh siyaasadda caalamka iyo tan Bariga Dhexe, laguna xusuusan doono doorkii uu ka cayaarey nabadgelyada caalamka iyo xalinta khilaafaadyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii Allah uga baryey marxuumka inuu Ilaahay jannadii fardowsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, shacabka Sacuudiga iyo dunida Muslimka oo dhanna samir iyo iimaan ka siiyo.

DHAMMAAD

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay taariikhda boqorkii Sucuudiga ee saaka geeriyooday (Dhageyso)

Next Post
Boqorkii Sacuudiga Boqor Cabdalla oo Xalay saqdhexe geeriyooday

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay taariikhda boqorkii Sucuudiga ee saaka geeriyooday (Dhageyso)

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In