Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Tacsi u direy Shacabka Sacuudiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo Tacsi u direy Shacabka Sacuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

23 January 2015, Mogadishu: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy shacabka Sacuudiga, dunida muslimka, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday boqorkii dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya Cabdalla Bin Cabdulcaziiz Al Sacuud.

”Aad baan uga xumahay ugana naxay geerida ku timid walaalkey, marna ahaa geesi ay Soomaalida ku tashato, xilliyadii adkaana, si dhow arrimaheena ula socdey, gacanna ka geystey. Waa maalin murugo badan oo shacabka iyo dowladda Soomaaliya la qeybsanayaan walaalahooda Sacuudiga tiiraanyada geerida boqorka. Hoggaamintiisa suubban, taageerada iyo u hiilinta waddamada Muslimiinta ee dhibaateysan, waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu waaweyn ee ay tabi doonaan bulshada Muslimiinta ee caalamka”.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Boqor Cabdalla uu ahaa hoggaamiye saameyn weyn ku leh siyaasadda caalamka iyo tan Bariga Dhexe, laguna xusuusan doono doorkii uu ka cayaarey nabadgelyada caalamka iyo xalinta khilaafaadyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii Allah uga baryey marxuumka inuu Ilaahay jannadii fardowsa ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, shacabka Sacuudiga iyo dunida Muslimka oo dhanna samir iyo iimaan ka siiyo.

DHAMMAAD

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay taariikhda boqorkii Sucuudiga ee saaka geeriyooday (Dhageyso)

Next Post
Boqorkii Sacuudiga Boqor Cabdalla oo Xalay saqdhexe geeriyooday

Barnaamijka kulanka todobaadka oo looga hadlay taariikhda boqorkii Sucuudiga ee saaka geeriyooday (Dhageyso)

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In