Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee India “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo warqadihii aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee India “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada waraaqihii aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Jamhuriyadda India wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, HE. Ms Suchitra Durai.

Madaxweynaha ayaa u xaqiijiyey Danjiraha cusub in dowladda Soomaaliya ay iskaashi buuxa iyo wadashaqeyn u fidin doonto inta ay ku guda jirto gudashada waajibaadkeeda, isagoo sidoo kale uga mahad celiyey dowladda India sida ay ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale soo dhoweeyay dhambaal ay Danjire Durai ka sidday Ra’iisul Wasaaraha India, Narendra Modi oo ahaa in dowladdiisa ay Soomaaliya u soo direyso guddi qiimeyn ku sameeya dhinacyada ay labada dal iska kaashan karaan, sida iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga, dib u dhiska, amniga, waxbarashada iyo adeegyada kale ee arrimaha bulshada.

“Aad baan ula dhacsanahay xiriirka wanaagsan ee nagala dhexeeya India. Dhowaan markaan tegey New Delhi, waxaa uu Ra’iisul Wasaare Modi muujiyey sida uu u doonayo in labada dal ay u sameystaan xiriir iskaashi oo dhinacyo badan leh, kaas oo aan aaminsanahay inuu muhiim u yahay Soomaaliya oo u baahan dib u dhis iyo maalgashi. Waxaan haatan sameysmaya sharciyadii maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale, waxaana gacmo furan ku soo dhoweynayaa shirkadaha iyo ganacsatada India inay maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjire Suchitra Durai, ayaa iyana dhankeeda sheegtay in adeegyada ugu horeeya ee ay Soomaaliya ka caawin karaan ay ka mid tahay helista tamarka korontada, waxbarashada, iyo in labada dhinac ay isla daraaseeyaan dhinacyada ay iska kaashan karaan.

Waxay intaa ku dartey in labada dal ay haystaan fursado ay ku abuuri karaan iskaashi mira-dhal ah oo shacabka labada dal ay ka manaafacaadi karaan.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Mudane Mahad Maxamed Salaad, iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotey.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxda Qaranka oo cambaareysay weerarradii Paris

Next Post
Madaxda Qaranka oo cambaareysay weerarradii Paris

Madaxda Qaranka oo cambaareysay weerarradii Paris

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In