Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo xarigga ka jaray xarunta Seyniska iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha J. Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta Seyniska iyo Tiknoolajiyadda ee Ummadda Soomaaliyeed.

Xarunta Kuliyadda Culuumta iyo Tiknoolajiyadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, muddo ka yar Lix Bilood ayeey qaadatay in dib u dayactir lagu sameeyo, taas oo aan ku imaan kaalmo caalami ah, sannado badanna waxa ay  lahayd muuqaal burbur baahsan uu ka muuqdo.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026
Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

September 26, 2026

Madaxweynaha J. F. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarigga ka jaray xarunta Seyniska iyo Tiknoolajiyadda Jaamacadda Ummadda, waana kuliyaddii uu madaxweynuhu ka Qalin-jabiyey, madaxweynaha waxaa wehliyey Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda, Wasiirka Waxbarashada iyo Duqa Muqdisho iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Munaasabadda, waxaa sidoo kale lagu soo dhoweynayey Ardeyda Kuliyadahaas cusub, iyadoo ay munaasabadda ka hadleen waalidiin sheegay in Jaamacadda Ummaddu ay horseed u tahay Tacliin tayo leh oo ay Ubadkoodu helaan, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo magaca Culimada Soomaaliyeed ku hadlayeyna waxa uu dowladdu ka codsaday in mar walba waxbarashada dalkeennu xiriirka ugu adag  looga dhigo Diinta Islaamka, si khaladdaadka loo adeegsado magaca Diinta uu meesha uga baxo
.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa ardeyda joogtay munaasabadda u sheegay in horumarka uu naga xigo inaan isku tashanno.
Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof: Maxamed Axmed Jimcaale, ayaa sheegay in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay sameysay horumar xooggan, xiriirrona ay la leedahay jaamacadaha adduunka ugu waa weyn qaarkood iyadoo isku tashi lagu gaaray arrimahaas, waxa uu tilmaamay in sannadka cusub ee soo socdo uu billaaban doono mashruuc lagu soo nooleynayo qeybo cusub oo ay Jaamacadda yeelan doonto.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, ayaa xoojiyey in Waxbarashadeennu ay lahaato xiriir ku saleysan Diinta Islaamka, maadaama ummaddeennu ay tahay Muslim.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu hambalyeeyey maamulka Jaamacadda horumarka weyn ee ay hiigsadeen, waxa uu ku dhawaaqay in la bilaabo mashruuc lagu soo nooleynayo kuliyaddii Caafimaadka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in la xoojinayo mashruuca Aada Dugsiyada ee ay dowladdiisu horey u bilowdey, kaas oo waxbarashada aas-aasiga ah bulshada lagu gaarsiinayo.

Madaxweynaha, waxa uu sheegay in ardeyda Jaamacadda Ummadda  dhigata ay ka kala yimaadeen guud ahaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhan, taasina ay muujineyso sida Soomaalida ay u tahay ummad midnimadeedu aysan kala maarmin.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo leh taariikh dheer, waxaa dib loo soo nooleeyey sannadkii 2013-kii,  hadda waxa ay leedahay laba Kambas oo waa weyn, waxaana dhigata Ardey ku dhow 2,000, waxbarashadeeduna waa lacag la’aan, waa guulaha dowladda madaxweyne Xasan Sheekh kuwooda ugu muhiimsan ee hirgalay afartii sanno ee la soo dhaafey.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed

Previous Post

Maxaad ka taqaan Taariikhda Madaxweynihii hore ee Cuba  Fidel  Castro oo geeriyooday?

Next Post

Madaxweynaha “Waxbarashadu waa maalgashiga ugu muhiimsan ee shacabka iyo Aasaaska mustaqbalka.”

Next Post

Madaxweynaha “Waxbarashadu waa maalgashiga ugu muhiimsan ee shacabka iyo Aasaaska mustaqbalka.”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku-simaha Madaxweynaha oo soo xiray tartanka kubadda kolayga ee General Daa’uud

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa garoonka kubadda...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

Soomaaliya oo ka qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta ka qaybgalay maalinta labaad...

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In