Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo Muqdisho ka furey xarun casri ah oo lagu tababarayo ciidammada Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA XARUN CASRI AH OO LAGU TABABARAYO CIIDAMADA
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 12 May 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey xarun cusub oo lagu tababarayo ciidammada Soomaaliya.

Dugsigan cusub oo ay maalgeliyeen, gacantana ay ku haysey Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu tababarayaa dhalinyaro laga soo qorey dhammaan gobollada dalka Soomaaliya.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay in hirgelinta xaruntan ay daliil u tahay sida Soomaaliya looga caawinayo dagaalka lagula jiro argagixisada iyo dib u dhiska ciidanka qaranka.

โ€œTani waxay daliil u tahay in dagaalka aan kula jirno cadowga Al- Shabaab uu yahay mid caalami ah oo dalalka dunida ay mar walba nagu garab taagan yihiin. Waxay kaloo tani jawaab u tahay codsi aan horey ugu jeediyey madaxda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo ah inay dib u dhiska waddankeena ay taageero ka geystaan, iyagoo isla markaana naga aqbaley dalabkeenaโ€™โ€™.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku darey in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ay Isutagga Imaaraadka Carabta kala hadleyso mashaariic kale oo horumarineed, kuwaas oo la shaacin doono marka la isku afgarto qaabka loo fulinayo.

Danjiraha Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Axmed Al Cusmaan oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay in dowladdiisu ay ku faraxsan tahay inay kaalin ka qaadato dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, gargaarka aadminimo, dib u dhiska kaabeysaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo kuwo kale.

Waxaa uu danjiraha intaa ku darey in barnaamijyadaasi la labanlaabi doono, laguna baahinayo dhammaan gobollada dalka.

Munaasabadda furitaanka xaruntan ayaa waxaa barbar-socotey qalinjebinta ilaa 300 askari oo muddo afar bilood halkaasi tababar ku qaadanayey.
Dhalinyarada uu tababarka u dhammaadey ayaa halkaasi ku soo bandhigey qaar ka mid ah xirfadaha casriga ah ee ay barteen.

Waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa Raโ€™iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar Carte, masโ€™uuliyiin ka tirsan labada gole, saraakiisha ciidammada, diblomaasiyiin shisheeye iyo marti sharaf kale.

Previous Post

Danjirihii Mareykanku u soo magacaabay Soomaaliya oo aan soo shaqo galaynin

Next Post

Guddoomiye Jawaari: “Xukuumaddu waa inay gacanta dowladda ku soo celisaa furaha 252”

Next Post
Gudoomiyaha Baarlamaanka โ€œHaweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiinโ€ VIDEO

Guddoomiye Jawaari: "Xukuumaddu waa inay gacanta dowladda ku soo celisaa furaha 252"

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž  ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š: ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ช๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฃ๐š๐›๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐ฑ๐š๐ช๐ข๐ข๐ฃ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ง ๐ฒ๐จ๐จ๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

September 21, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hayโ€™adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In