Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo casho sharaf ugu sameeyey magaalada Muqdisho xulka kubadda cagta Puntland.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo  casho sharaf ugu sameeyey magaalada Muqdisho xulka kubadda cagta Puntland.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha ayaa waxaa kulankani casho sharafta ah ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan geleyaasha DFS, masuuliyiin ka tirsan geleyaasha maamulka  Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo cashada kadib la dardaarmay dhallinyarada xullka kubadda cagta ee Puntland ayaa ku adkeeyey  dhallinta inay illaashadaan sumcadooda, sharaftooda iyo karoomadoodaba, isla markaana waxaa uu Madaxweynuhu xusay in intaasi ku dhowrsoomayaan iyadoo ay hagaajiyaan akhalaaqdooda, dabeecaddooda iyo diintoodaba.

Related posts

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
Xildhibaannada BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saybarka Soomaaliya

January 10, 2026

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhallinta u sameeyey balanqaadyo uu ka mid ahaa dhismaha iyo casriyaynta garoomada kubadda cagta Puntland, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in dhowaan la dhigidoono qaar kamidda garoomada Puntland roogga cagaaran lana samayndoono tartamo, tababaro iyo dhammaan ciyaaraha kala duwan ee jira.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa dhallinta ku booriyey inay sameeyaan Alle ku xidhnaansho iyo dedaal badan si ay uga gungaaraan himiladooda ah hanashada horyaalka kubadda cagta Soomaaliya ee maanta 08 December 2017 ciyaartiisii ugu horaysey laciyaaray, waxaana uu Madaxweynuhu u cadeyey dhallinyarada in ka maamul ahaan la garabtaagan tahay tageero buuxda.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle ‘SWC’ u waydiiyey dhallinta Soomaaliyeed ee ku hirdamaysa tartanka kubadda cagta Soomaaliya maxsuul wanaagsan oo ay dhammaantood ku qancaan, waxaana uu Madaxweynuhu si gaara Alle u waydiiyey xulka kubadda cagta Puntland guul ay ku hantaan marlabaad koobka kubbad cagta Soomaaliya.

Previous Post

Qaramada midoobay oo ka digtay xaalado adag oo weli ka taagan Purma

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

Xildhibaannada BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saybarka Soomaaliya

January 10, 2026
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 28-aad, waxaana shir...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray iskuulada Dowladda

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kormeeray iskuulada Dowladda

January 10, 2026
0

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa kormeer iyo dhiirrigelin ugu tagay...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfuur Afrika oo ka qeybgalay xuska sanadlaha ee xisbiga talada haya

Safiirka Soomaaliya ee Koonfuur Afrika oo ka qeybgalay xuska sanadlaha ee xisbiga talada haya

January 10, 2026
0

Danjiraha Dowlada Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa magaalada Rustenburg ee gobalka Northwest ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In