Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay inay Kooxda isku sheegtay inay xiriir la leeyihiin argagaxisada daacish aanay laheen awood ay ku sii haystaan degmada Qandalla.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Maleeshiyaadka sheegta Daacish ee ku sugan Qandala in ay aad u tabar daranyihiin isla markaana aanay suur gal ahayn in ay sii heestaan Degmada Qandala.
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay ciidamada Puntland kusii socdaan Degmada Qandala, asagoo sheegay in ay dhawaan dhinacyo kala duwan ka geli doonaan magaalada isla markaana cashir u dhigi doonaan maleeshiyaadka Kooxda Daacish.
Ciidamada Putland ayaa horay iskaga caabiyey ciidamo ka tirsan argagixisada oo dhowr jeer horay usoo weeraray qeybo ka mid ah deegaanada uu maamulo maamulkaas.