Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta dhagax dhigay dhismaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay ku yeelanayso Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.
Dhagax dhigga Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxaa kasoo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal , shirkaddii dhisaysey wasaaradda iyo dadweyne kale oo aad u tira badan, waxaana lagu dhisayaa Wasaaradda hal-kudhiggii Madaxweynaha ee ahaa Puntland Haysku tashato barnaamijkaas oo Puntland si rasmi ah uga taabba galay.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland Cabdulaahi Sheekh Axmed dedaalka dheeraadka ah ee uu kubixinayo horumarinta iyo tayaynta wasaaradda iyo sidii loo heli lahaa dhisme caalami ah oo ay yeelato Wasaaradda Maaliyadda Puntland si’ loo dar-dargeliyo koboca dhaqaalaha Puntland.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi ka dib dhagax dhigay Dhismaha Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Qoyska, maadaama ay wasaaraddu kamid tahay wasaaradaha ugu ballaaran Puntland isla markaasina ya muhim tahay in ay hesho dhisme kabedelan kan ay hadda ku shaqayso,
Waxaana kasoo qayb galay dhagax dhigga wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, shirkadii dhisaysey Wasaaradda iyo Masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Murwo Aniisa Cabdul-qaadir Xaaji Muumin dedaalka baaxadda leh ee ay ugu jirto horumarinta iyo tayaynta Wasaaradda, maadaama wasaaraddu ay ku taxalluqdo arrimaha hooyada iyo dhallaanka iyo dhammaanba arrimaha bulshada taasina ay u baahantahay in il gaara lagu hayo dhismahanina uu waxbadan ka-qabandoono arrimaas oo dhan.
Wasaaradaha Maamulka Puntland ayaa intooda badani waxay u wada guureen dhismayaal casri ah taasina waxay markhaati u tahay sida ay Puntland cagaha u saartay dhabbihii horumarka iyo sinnaanta taaso gundhiggeedu yahay isku tashi Maamulka iyo shacabka ah.