Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 14, 2018
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garoowe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayey ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir Muuse  ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey  Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe,  mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland  iyo mas’uuliyiin kale.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirkii amniga Qaranka Soomaaliya,oo uu kaga qayb galay magalada Muqdisho casimada Soomaaliya,  shirkaas uu sheegay in uu ku soo dhammaadey guul,  waxaana kaloo uu xusay inay isku af garteen Madaxda Qaranka Soomaaliya isla marahaantana maxsuul wanagsani ka soo baxay.

“Waxaa sharaf weyn noo ah inaa dib ugu soo laabano magalada Garoowe anagoo in mudo ah Xamar ugu maqneyn ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo y isugu yimaadeen madaxda DF Soomaaliya iyo madaxda Dawaladaha xubnha ka ah DF Soomaaliya, loogana hadlayey arrimo muhiim u ah xasilinta, xoreynta iyo dib u habeynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed, iyadoo ay ka soo bexeen go’aamadii la soo saaray 10 Feb 2018 iyo waxyaaba kale oo wadanka masiirkisa muhiim u ah oo ay ka mid ahayd qaybsiga khayraadka dalka iyo anagoo ku saxiixnay  hishiis kumeel gaar ah kalluumaysiga dalka sidii khayraadkiisa looga faa’iidaysan lahaa kaas oo muhiim u ah geedi socodka horumarka dalka, shirkaasina waxaa uu ku soo dhammaaday guul sida aad la wada socotaan” ayuu yiri Dr Cabdiweli Gaas oo hadalkiisa ku daray.

“Waan bogaadinaya Boosaaso dawlad iyo shacaba siday ugu gurmadeen doonti caariday iyo waanaga ay ku dhawdahay inay ku dhamaato, waxayna ka turjumaysaa isku tashiga Puntland, aad ayaan u bogaadinayaa madaxada sii joogtay dalka wanaaga, horumaraka iyo adkeenta dawladnimada iyo amniga Puntland ka sii shaqeeyay aad iyo aad ayeey u mahadsanyihiin”.

Ugu danbayn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirka madaxda Qaranka Soomaaliyeed looga hadlay arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha, waxaana uu tilmaamay in labada ajandeba ay muhiim u ahaayeen Qaranka Soomaaliyeed.

Previous Post

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xaflad soo dhaweyn ah loo sameeyay “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xaflad soo dhaweyn ah loo sameeyay “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xaflad soo dhaweyn ah loo sameeyay "SAWIRRO"

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In