Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ka Dhagax Dhigay Wadooyin Muhiim Ah “SAWIRRO”

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ka Dhagax Dhigay Wadooyin Muhiim Ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasibada  dhagax dhiga wadadooyin kaasi ayaa waxaa iyaguna kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha gudaha dawladdaha hoose  iyo horumarinta ree miyiga, duqa degmada Garoowe,iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn dhagax dhigay wadada Fadhi Samo oo dherer keedu dhan yahay 1KM iyo 400M ( hal-kiloo mitir iyo afarboqol oo mitir ) ,

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Madaxweynaha oo kahadlaya muhiimada ay u leedahay wadadani Fadhi Samo ayaa sheegay inay wax weyn kusoo kordhin doonto bilicday iyo dhismaha caasimadda, isla markaana ay ka dawlad ahaan muhiim u tahay in caasimadu noqoto mid qaabiyad wanaagsan leh oo u qalanta caasimadda Dawladda Puntland, waxaana uu bogaadhiyey Madaxweynuhu sida wanaagsan ee shacabka Garoowe uga qayb qaateen bilicda magaalada.

”runtii waan ku faraxsanahay bilicda magaaladda Garoowe ee caasimada dawladda Puntland, muhiim baynoo tahay inay magaaladu qurux badan tahay, caasimad istaahisha bilicda, horumarka iyo wanaaga Puntland waa inay noqotaa,  waxaana kow ka ah horumarkaasi waa jidadka, magaaladu waa inay jid leedahay, wadooyin lamaro leedahay waxayna soo kordhinaysaa taasi ganacsi , horumar, bilic iyo amni intaba, runtii tani waxay qayb ka tahay xasilinta iyo amniga caasimada, waana bogaadinayaa company-gii ku guulaystey waana rajaynayaa inay shaqo wanaagsan qabtaan” ayuu yiri Madaxweynaha Dawlada Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in wadadani lagu hirgelinayo mashruuca JPLG, isla markaana ay dawladu kaalinteeda ka qaadato markasta wax ku kordhinta mashruucaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada Bulsho oo iyana laga hirgelindoono wadodo laami ah taasi oo dhererkeedu yahay (1km iyo 370m) iyo balaadhinta Jidka Sodonka oo isna labilaabi doono shaqadiisa, waxaana uu sheegay madaxweynuhu in mashaariicda laga fulinaayo caasimada aanay ku koob naan doonin mashaariicda hada socota hase ahaatee dhowaan ay bilaabmi doonaan mashaariic badan oo ay ka midtahay barnaamijka horumarinta caasimada oo ka kooban jidad tiro badan iyo buundooyin, waxaana mashruucaasi dawladda ka taageeri doona Bangida Aduunka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale mahad balaadhan u soo jeediyey dhammaan intii ka qayb qaadatay qaabaynta, habaynta iyo bilicda magaalada Garoowe maadaama ay taasi maanta sahashey in si fudud magaalada looga hirgeliyo wadooyinkan, waxaana uu madaxweynuhu shacabka Puntland ugu baaqay in laga qayb qaato horumarka baaxadale  ee Puntland oo dhan kasocda.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Puntland ayaa isna dhankiisa bogaadiyey wadooyinka bilicsan ee caasimada laga hirgelinaayo, waxaana uu ugu baaqay shacabka Puntland inay diyaar u ahaadaan dhaqaajinta iyo hirgelinta mashaariicdaasi.

Ugu Dambayn  madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland, isla markaana kulan gaara laqaatay Masuuliyiinta kala duwan ee Wasaaradaasi, waxaana uu soo kormeeray dhismaha cusub ee wasaaraddu yeelandoonto oo dhismihiisi meel wanaagsan marayo.

–DHAMMAAD–

Previous Post

6 Carruur Ah Oo Ku Geeriyootay Xeebta Liido Kadib Markii Ay Baddu Qaaday

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulanka guddiga Amniga Badaha”SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulanka guddiga Amniga Badaha”SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulanka guddiga Amniga Badaha"SAWIRRO"

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In