Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ka Dhagax Dhigay Wadooyin Muhiim Ah “SAWIRRO”

admin by admin
June 29, 2017
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Garoowe Ka Dhagax Dhigay Wadooyin Muhiim Ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasibada  dhagax dhiga wadadooyin kaasi ayaa waxaa iyaguna kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha gudaha dawladdaha hoose  iyo horumarinta ree miyiga, duqa degmada Garoowe,iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn dhagax dhigay wadada Fadhi Samo oo dherer keedu dhan yahay 1KM iyo 400M ( hal-kiloo mitir iyo afarboqol oo mitir ) ,

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Madaxweynaha oo kahadlaya muhiimada ay u leedahay wadadani Fadhi Samo ayaa sheegay inay wax weyn kusoo kordhin doonto bilicday iyo dhismaha caasimadda, isla markaana ay ka dawlad ahaan muhiim u tahay in caasimadu noqoto mid qaabiyad wanaagsan leh oo u qalanta caasimadda Dawladda Puntland, waxaana uu bogaadhiyey Madaxweynuhu sida wanaagsan ee shacabka Garoowe uga qayb qaateen bilicda magaalada.

”runtii waan ku faraxsanahay bilicda magaaladda Garoowe ee caasimada dawladda Puntland, muhiim baynoo tahay inay magaaladu qurux badan tahay, caasimad istaahisha bilicda, horumarka iyo wanaaga Puntland waa inay noqotaa,  waxaana kow ka ah horumarkaasi waa jidadka, magaaladu waa inay jid leedahay, wadooyin lamaro leedahay waxayna soo kordhinaysaa taasi ganacsi , horumar, bilic iyo amni intaba, runtii tani waxay qayb ka tahay xasilinta iyo amniga caasimada, waana bogaadinayaa company-gii ku guulaystey waana rajaynayaa inay shaqo wanaagsan qabtaan” ayuu yiri Madaxweynaha Dawlada Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in wadadani lagu hirgelinayo mashruuca JPLG, isla markaana ay dawladu kaalinteeda ka qaadato markasta wax ku kordhinta mashruucaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada Bulsho oo iyana laga hirgelindoono wadodo laami ah taasi oo dhererkeedu yahay (1km iyo 370m) iyo balaadhinta Jidka Sodonka oo isna labilaabi doono shaqadiisa, waxaana uu sheegay madaxweynuhu in mashaariicda laga fulinaayo caasimada aanay ku koob naan doonin mashaariicda hada socota hase ahaatee dhowaan ay bilaabmi doonaan mashaariic badan oo ay ka midtahay barnaamijka horumarinta caasimada oo ka kooban jidad tiro badan iyo buundooyin, waxaana mashruucaasi dawladda ka taageeri doona Bangida Aduunka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale mahad balaadhan u soo jeediyey dhammaan intii ka qayb qaadatay qaabaynta, habaynta iyo bilicda magaalada Garoowe maadaama ay taasi maanta sahashey in si fudud magaalada looga hirgeliyo wadooyinkan, waxaana uu madaxweynuhu shacabka Puntland ugu baaqay in laga qayb qaato horumarka baaxadale  ee Puntland oo dhan kasocda.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Puntland ayaa isna dhankiisa bogaadiyey wadooyinka bilicsan ee caasimada laga hirgelinaayo, waxaana uu ugu baaqay shacabka Puntland inay diyaar u ahaadaan dhaqaajinta iyo hirgelinta mashaariicdaasi.

Ugu Dambayn  madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland, isla markaana kulan gaara laqaatay Masuuliyiinta kala duwan ee Wasaaradaasi, waxaana uu soo kormeeray dhismaha cusub ee wasaaraddu yeelandoonto oo dhismihiisi meel wanaagsan marayo.

–DHAMMAAD–

Previous Post

6 Carruur Ah Oo Ku Geeriyootay Xeebta Liido Kadib Markii Ay Baddu Qaaday

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulanka guddiga Amniga Badaha”SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulanka guddiga Amniga Badaha”SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyey kulanka guddiga Amniga Badaha"SAWIRRO"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In