Monday, August 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe shir kula yeeshay Madax ka socotay Midowga Yurub

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Garoowe shir kula yeeshay Madax ka socotay Midowga Yurub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdigan ka socday beesha caalamka gaar ahaan Midowga Yurub waxaa qayb ka ahaa Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Safiirka Sweden u fadhiya dalkeena iyo xubno ka tirsan xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

August 16, 2026
Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

August 16, 2026

Wafdiga waxaa ku soo dhaweeyay Aqalka Madaxtooyada Puntland Madaxwaynaha Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Golaha Wasiirada.

Madaxda ka socotay Beesha Caalamka iyo Madaxwaynaha Puntland oo ay weheliyaan Wasiirada Warfaafinta, Arrimaha Gudaha iyo qorshaynta Puntland ayaa waxay yeesheen shir gaar ah oo ay albaabadu u xirnaayeen warbaahintuna dibad joog ka ahayd .

Shirka laba geesoodka ah ayaa diiradda lagu saaray sida lagu sheegay qoraal kooban oo ay soo saartay Madaxtooyada Puntland, xaaladda guud ee dalka gaar ahaan habkii loo heli lahaa hanaan doorasho oo la isla wada ogolyahay iyo sidii ay Puntland qayb uga noqon lahayd shirka la doonayo in lagu dhammaystiro tabashooyinkii ka soo laabtay Heahiiskii 17kii September.

Imaanshaha wafdiga ka socday Beesha Caalamka ee Garoowe ayaa ku soo aadayo, iyadoo Muqdisho uu shir uga socdo Madaxda Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Golabeedyada dalka iyo Gobalka Banaadir ayna ka maqan yihiin Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland waxaana maanta markale War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Qaranka Madaxda Puntland iyo Jubbaland looga dalbaday inay ku soo biiraan shirka lagu go’aaminayo masiirka doorasho ee dalka.

 

Previous Post

Hogaamiyihii Mucaaradka Dalka Rwanda oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Next Post
DAAWO: Wasiirka Caafimaadka oo bulshada fariimo cusub la wadaagtay

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar dhulka ah ku gaaray Degmada Cadaado

August 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa...

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Ku-simaha Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

August 16, 2026
0

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka DWBS, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay ku xigeenka Ergayga...

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka tababar ugu soo xiray Galgaduud

August 16, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dugsiga Xananbuure ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In