Tuesday, December 30, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Golaha Wakiillada Horgeeyey Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Golaha Wakiillada Horgeeyey Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horgeeyey Golaha Xukuumadda Puntland ee cusub Golaha Wakiillada ee Maamul Goboleedka Puntland oo ku gudajira hawl-maalmeedkooda shaqo ee kal-fadhiga 43-aad fadhigiisa 19-aad.

 

Related posts

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

December 30, 2025
Kusimaha Madaxweynaha JFS oo gaaray Dhuusamareeb

Kusimaha Madaxweynaha JFS oo gaaray Dhuusamareeb

December 30, 2025

Fadhiga 19-aad ee lagu ansixinayo Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo ku-xigeenadiisa, mudanayaasha Golaha Wakiillada Puntland, Golaha Wasiirada cusub ee Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad muhiima ka horjeediyey Golaha Wakiillada Puntland taasi oo uu kaga hadlayo arrimo ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland.

“Mudanayaal iyo murwooyin isbedelkii dhacay Janaayo 08 2019 wuxuu kusoo beegmay xili baahiweyn looqabey tayaynta hay’addaha dowliga ah iyo dardargelinta adeegyada bulshada, dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada. Waxaa sidoo kale la socotaan in culaysyo amni iyo dhaqaale xumo soo jiitamayey mudooyinkii u danbeeyey ay gud ahaan hadheeyeen xasiloonidii iyo kobicii dhaqaalaha ee deegaanada Puntland, waxay keentay in cadawyo badani kusoo dhiiradaan deegaanada Puntland iyagoo beegsanaya nabadgelyada, dhaqaalaha iyo midnimada guud ee dadka reer Puntland, waxaa tusaale inoogu filan duulaanadii is-xigxigey ee Tukaraq, Suuj, Garmaal, Garacad, Qandala, buuraha Calmadaw iyo Calmiskaad.” Ayuu yiri Deni.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Xukuumadda cusub ay ka mira dhalindoonaan balanqaadyadii uu u sameeyey shacabka Puntland xiligii ololaha doorashada, waxaana uu tilmamay Madaxweynuhu inuu dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada.

“Anaga oo ka ambaqaadayna balanqaadyadii aan samaynay xiligii doorashada xukuumadda cusub ee aan soo dhisnay waxay xooga saaridoontaa ka mira dhalinta iyo fulinta balanqaadyadii nala ku doortay, waxaan dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada, anaga oo aasaas ka dhiganayna tayaynta hay’addaha dowliga iyo saraynta sharciga si horumar walba oo la gaadho uu u noqdo mid joogtaysan oo aan ku xirnayn qof ama cidgooni ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa balanqaaday in si baaxadle Xukuumadda Puntland wax uga qabandoonto arrimaha Amniga, hirgelinta isbedel siyaasadeed iyo tayaynta hay’addaha dowladda , Dib u habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha, tayaynta adeegyada Bulshada, arrimaha garsoorka, daryeelka degaanka, horumarinta arrimaha dhalinyarada iyo arrimaha haweenka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha Wakiillada Puntland ka codsadey inay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub ee Puntland, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu xusay in Wasiirada cusub lagu soo xulay aqoon, karti iyo waaya aragnimo.

“Waxaan gunaanadkii ka codsanayaa xubnaha Golaha wakiillada inay ansixiyaan xubnaha Golaha wakiillada cusub ee idin horjooga maanta, wakhtina u siisaan inay u adeegaan bulshada reer Puntland, waxaan ku kalsoonahay inaad codsigaas naga aqbalidoontaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Previous Post

Itoobiya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiiska dhoofinta Gaaska Dabiiciga ah ee DDS

Next Post

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo wadatashi la yeelatay Ururada Bulshada rayidka Jubbaland “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Qorsheynta XFS oo wadatashi la yeelatay Ururada Bulshada rayidka Jubbaland “SAWIRRO”

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo wadatashi la yeelatay Ururada Bulshada rayidka Jubbaland "SAWIRRO"

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo Istanbuul ku soo bandhigay guusha sahminta Shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah ee dalkeenna

December 30, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa...

Somali President briefing on mutual relationship between Somalia and Turkey

Somali President briefing on mutual relationship between Somalia and Turkey

December 30, 2025
0

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kuwa doonaya inay ku xadgudbaan madax-banaanideena nagama hor istaagi karaan inaan ka faa’iideysano kheyraadkeena, dadka Soomaaliyeed waxaan...

Mass Rallies Engulf Stadium Mogadishu as Religious Scholars Lead National Outcry Against Israel Aggression

Mass Rallies Engulf Stadium Mogadishu as Religious Scholars Lead National Outcry Against Israel Aggression

December 30, 2025
0

he capital city of Mogadishu witnessed one of the largest public mobilizations in recent history today as tens of thousands...

Photos: Protests Across Somalia Reject Division and Condemn Israeli Attacks

Photos: Protests Across Somalia Reject Division and Condemn Israeli Attacks

December 30, 2025
0

Large demonstrations took place in Mogadishu, Baidoa, Marka, Guriceel, Hobyo, Galkayo, and Las Anod, as protesters voiced support for Somalia’s...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In