Munaasabdda daahfurka waxaa kasoo qayb galay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, xubno ka tirsan labada gole ee Puntland, Wasiirka Duulista Hawada ee Soomaaliya, Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya, Danjiraha dawladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, xog-hayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan IGAD, hay’ado ka socdey qaramada midoobey, Isimo, culumaa’udiin iyo dadweyne aad u tiro badan.
Munaasabadda ayaa ahayd mid looga dhawaaqayey daah-furka wejigii labaad ee Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso oo isugu jira 4-weji oo kala ah 1km oo lagu dari doono waddada ay diyaaraduhu ku ordaan (Runway), Terminal weyn oo lamid ah kuwa caalamiga ah, baarkinadii diyaaraduhu ay istaagi lahaayeen (Parking) oo la sii ballaarin doono iyo nalayntii ama iftiimintii garoonka, si’uu u noqdo mid habeen iyo maalin isku si’ loo adeegsado, isla markaana dhaqaalaha ku baxay.
Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya dalka Soomaaliya Ambassador Fabrezio Mercelli oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ballan qaaday in mashruucaan oo ka kooban 4-ta weji ee aan kor kusoo xusay ay dawladda Talyaanigu dhaqaalaha ku baxaya hal mar sii wada deyn doonto, isla markaana ay fulinta mashruucan u wakiilan doonto urur goboleed IGAD.
Sidoo kale Danjiruhu waxa uu ammaanay sida hufnaanta leh ee ay dawladda Puntland u fulisey wejigii koobaad ee Madaarka oo sidii loogu talo galay loo hirgeliyey isla markaana waxaa uu sheegay in dawladda Puntland ay tusaale u tahay Soomaalida inteeda kale iyo guud ahaan geeska Afrika.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dawladda Puntland ay aad usoo dhoweynayso uguna faraxsantahay taageerada lixaadka leh ee ay dawladda Talyaanigu siinayso Puntland, isagoona intaa sii raaciyey in dawladda Puntland iyo shacabkeeduba aanay iloobi doonin garab istaagga ay ka heleen dawladda Talyaaniga xilli ay aad ugu baahan yihiin.
Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in garoonka caalamiga ah ee Boosaaso uu noqon doono garoomada ugu caalamisan qaaradda Afrika isla markaana uu wax badan ka beddeli doono dhaqaalaha Puntland iyo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Puntland.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in aan mashaariicdani ka hirgaleen Puntland haddii aanu kajirin amni buuxa, isla markaana waxa uu ugu baaqay shacabka Puntland in ay adkaystaan amnigooda iyo xasiloonidooda, ayna u midoobaan sidii ay isaga qaban lahaayeen cid walba oo khal-khal gelin karta nabad gelyadooda.