Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray khaar kamida Xarumaha maamulkiisa.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo kormeeray khaar kamida Xarumaha maamulkiisa.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026

Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  kormeer ku sameeyey qaar kamida xarumaha maamulka Puntland ee ku yaala caasimada Garoowe

Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeen waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Dawladda Hoose ee Garoowe xili ay ka socotey shaqada maalin laha ah ee ay qabato dawladda hoose,

halkaasi oo Madaxweynuhu kulan kula qaatay duqa dagmada Garoowe iyo xoghayaha Dawladda Hoose, kadibna  xog waraysi kala yeeshay sida ay ugu shaqeeyan bulshada

Xilgii madaxweynaha  Puntland uu ku guda jiray kormeerka ayaa madaxweynuhu waxaa uu mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee Dawladda Hoose ee Garoowe,

halkaas oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha iyo shacabkii loo shaqeenayey, kuwaasi oo salaan guud iyo  is xog waraysi kadib uu madaxweynuhu kula dardaarmay shaqaalaha Dawaladda hoose ee Garoowe inay dardar geliyaan shaqada.

Dhinaca kale  Madaxweynha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kormeer kiisa sii wata ayaa waxaa uu booqday xarumaha denbi baarista (CID) iyo xarunta laanta socdaalka iyo jinsiyadaha, halkaasi uu madaxweynu kula kulmay maamulka xarumahaasi, isla marhaantaa waxaa uu madaxweynhu ka xog wareesata sida ay shaqdu u socoto, kadibna  kula dar-daarmay shaqaalaha xafiisyadaasi inay bulshada si daacda ugu adeegaan.

Sidoo kale Madaxweynha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goobihii adeega loogu samaynayey bulshada waxaa uu kula kulmay shacab soomaaliyeed oo badankiisu ka yimi Gobolada Waqooyi Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa dad bukaan socod ah oo baahi weyn uqabay in ay helaan adeeg caafimaad oo dibada ah, kuwaas oo Madaxweynuhu u amary in si deg deg ah loogu sameeyo adeega ay u baahan yihiin.

Previous Post

U.S. military denies Al-Shabaab killed its soldier in Somalia

Next Post

R/wasaare Khayre”Dowladda waxay 1 Milyen ku bixinaysaa dhismaha xarunta Akadeemiyada Goboleedka Afka Soomaaliga

Next Post
R/wasaare Khayre”Dowladda waxay 1 Milyen ku bixinaysaa dhismaha xarunta Akadeemiyada Goboleedka Afka Soomaaliga

R/wasaare Khayre”Dowladda waxay 1 Milyen ku bixinaysaa dhismaha xarunta Akadeemiyada Goboleedka Afka Soomaaliga

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

April 2, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsan Qiimeynta Khatarta Musuqmaasuqa, kaas oo socday muddadii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In