Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Ururada siyaasadda maamulkiisa

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Ururada siyaasadda maamulkiisa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni aya kulan la qaatay Ururrada Siyaasadda iyo guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, Kulanka ayaa ahaa is xogwareysi iyo dardargelinta doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo dimuqraadiyeynta Puntland, Cabdi Faarax Juxa iyo guddoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa la wadaagay kulanka halka uu marayo diyaargarowga dhameystirka Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Related posts

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025

Madaxda Ururada Siyaasadda Puntland ee shirka ka qeybgalay ayaa iyana kulanka kusoo bandhigay aragtidooda iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay ka qeybgalaan doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka jawaabaya soojeedinta Ururada siyaasadda ayaa ku dhawaaqay in dowladdu taageero dhaqaale la garab istaagayso Ururada Siyaasadda.

Maamulka Puntland ayaa $10,000 howlgelinta koowaad siinaysa Ururkasta, iyadoo inta howsha doorashada iyo ololaha socdona bil kasta Ururkasta lasiinayo $3,000 oo joogto ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa la wadaagay kulanka in uu soo magacaabayo Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland si loo dhameystiro waxyaabaha dhinaca garsoorka ka khuseeya doorashada hal qof iyo hal cod ee goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dimuqraaddiyeynta, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, Wasiirka Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.

 

Previous Post

Muxuu ku soo idlaaday shirkii Miiska-gorfeynta marxaladda Soomaaliya

Next Post

Ergeyga gaarka ah ee abaaraha oo la kulmay madax katirsan Dowladda Norway

Next Post
Ergeyga gaarka ah ee abaaraha oo la kulmay madax katirsan Dowladda Norway

Ergeyga gaarka ah ee abaaraha oo la kulmay madax katirsan Dowladda Norway

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka oo Kulan Latashi la yeeshay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS”

December 16, 2025
0

Guddiga Madaxa banaan ee Dib- u- eegista Dastuurka ayaa Kulan Latashi hordhac ah oo ku saabsan Cutubka Maaliyadda oo la...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

December 16, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada maamulka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

December 16, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa kormeer shaqo ku tegay deegaanno...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

December 16, 2025
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Cabdullahi (Abukaate), ayaa ka qaybgalay shirkii labaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In