Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub+DAAWO SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub+DAAWO SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa magaalada Garoowe Danjiraha midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Michele Cervone  iyo saraakiil uu hoggaaminayey  oo ka socotey midowga yurub,

Waxeyna kawada hadleen arrimo badan oo ay kamid ahaayeen la dagaallanka argagixisada, dhismaha jidka isku xira Garoowe iyo Gaalkacyo iyo Barnaamijka axsaabta badan oo lafilyo inay Puntland ugudubto dhowaan.

Related posts

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali  Gaas iyo Danjire Michele Cervone  ayaa  sidoo kale waxay si wada jir ah xadhigga uga jareen dhisme cusub oo uu midowga yurub ku soo kordhiyey Dugsiga sare ee Al-waaxa ee Magaalada Gaoowe, dhismahaas oo wax badan ku soo kordhiyey waxbarashadii dugsigaasi.

Madaxweynaha Puntland ayaa intaasi kadib waxa uu munaasabad lagu daah-furayey Wejiga labaad ee Mashruuc loogu magac daray Waxbarashadu waa Iftiin, isla markaasina lagu soo xidhayey wejigii koobaad ee isla-mashruucaasi kaga qayb galay Xarunta Cilmi baarista iyo Horumarinta Puntland ee PDRC.

Munaasibadda ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay  Wasiiro, Xildhibaano, Danjiraha midowga yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michele Cervone, Saraakiil ka socota Hay’adaha Puntland kala shaqeeya arrimaha wax-barashada, saraakiil kasocoto Madaxtooyada Puntland iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjire Michele Cervone  ayaa markii la soo afmeeray munaasabadaasi  shirjaraa’id ku qabtay xarunta Cilmi baarista iyo Horumarinta ee PDRC, waxana ay kaga warbixiyeen Mashcuura Aqoontu waa Iftiin oo midowga yurub uu ka caawiyo Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Barnaamijkan maanta la daah furay uu yahay mid u gaar ah Puntland oo keliya maadaama ay wasaaradda waxbarashada Puntland noqotay mid kudayasho mudan isla markaana ay ka shidaal qaataan Hay’adaha waxbarahsada kale ee Soomaaliya.

“Barnaamijkani waxa uu socon doonaa muddo saddex sanno ah, waxaana lagu dhisayaa ilaa 70 Iskuul, welibana 145 fasal oo kale lagu biirin doono waxbarashada Puntland, barnaamijkaasi waxa uu gaar u yahay Puntland, wasaaradda waxbarashada Puntland-na waxay noqotay mid lagu faani karo, ayna ka shidaal qaataan waxbarashada kale e Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali.

Ambassador Michele Cervone   ayaa isaguna geestiisa sheegay Puntland in ay ku guulaystey hirgelinta nidaam waxbarasho oo tayo leh kaas oo noqday mid  Soomaaliya inteeda kale ay kaga dayan doonaan Puntland, midowga yurubna uu sii xoojinayo taageerada ay la garab taagan yihiin Puntland ee dhinaca waxbarashada ah.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in ay Puntland ka caawin doonaan Barnaamijka dimuqraadiyaynta kaasoo hore ay uga caawin jireen Puntland , iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalah oo ay ugu horayso Waddada isku xidha magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.IMG_0207 IMG_0214 IMG_0221 IMG_0223 IMG_0230 IMG_0237 IMG_0239 IMG_0253 IMG_0257 IMG_0263 IMG_0268 IMG_0272 IMG_0274 IMG_0286 IMG_0289 IMG_0320 IMG_0324 IMG_0332 IMG_0334 IMG_0343 IMG_0354 IMG_0363 IMG_0367 IMG_0381 IMG_0390 IMG_0393 IMG_0394 IMG_0404 IMG_0410 IMG_0432 IMG_0446 IMG_0459 IMG_0467 IMG_0468 IMG_0470 IMG_0473 IMG_0483 IMG_0494 IMG_0499 IMG_0508 IMG_0509 IMG_0511 IMG_0525 IMG_0529 IMG_0532 IMG_0539 IMG_0556 IMG_0568 IMG_0571 IMG_0576 IMG_0580 IMG_0586 IMG_0625 IMG_0628 IMG_0640 IMG_0664 IMG_0674 IMG_0682 IMG_0698 IMG_0717 IMG_0725 IMG_0741 IMG_0751 IMG_0762 IMG_0775 IMG_0791 IMG_0821 IMG_0839 IMG_0859 IMG_0888

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka Dhacdooyinka maanta

Next Post

Maamulka gobolka oo Shaaciyay in la damiyay dabkii ka kacay maqribadii Suuqa degmada Wadajir+Sawirro

Next Post
Maamulka gobolka oo Shaaciyay in la damiyay dabkii ka kacay maqribadii Suuqa degmada Wadajir+Sawirro

Maamulka gobolka oo Shaaciyay in la damiyay dabkii ka kacay maqribadii Suuqa degmada Wadajir+Sawirro

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In