Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay madax ka tirsan hey’adda FAO (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay madax ka tirsan hey’adda FAO (Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dawlad gobolleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24-2-2015 aqalka madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe kula kulmay Agaasimaha Hay’adda FAO ee Soomaaliya Mr. Richard Trenchard iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayey.

Ka qeyb galka kullanka ee dhanka Puntland waxaa madaxweynaha ku wehliyey Wasiir Dawlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Maxamed Cabaas Cumar, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan iyo saraakil katirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Qodobadii ugu muhiimsanaa ee kullankaasina looga hadlay waxaa kamid ahaa dardar-gelinta Mashaariicda horumarineed ee hay’adda FAO ay ka fuliso guud ahaan Gobolada Puntland, xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee u dhaxeeya dawladda Puntland iyo hay’adda FAO, Talaalka Xoolaha , Horumarinta Beeraha Puntland, Kalluumaysiga iyo ka qeyb qaadashada doorka kaga aadan Hay’adda FAO ee horumarinta deegaanada ku yaala xeebaha Puntland.

Si wadajir ah ayaa waxaa kullanka dib u eegis loogu sameeyey qorshihii hay’adda FAO sanadkii tagey 2014 ee Puntland, sidookalana waxa ay masuuliyiinta hay’addaas Madaxweynaha u soo bandhigeen qorshahooda horumarineed ee sanadkaan 2015 ka fulinayaan guud ahaan Gobolada Puntland.

Madaxda Hay’adda FAO ayaa si wadajir ah u balanqaaday sii wadida taageerada ay Puntland ka siiyaan dhanka horumarinta xoolaha oo ugu wayn ilaha dhaqaalaha, sidookalana waxay sheegen inay qeyb weyn ka qaadanayaan kobcinta wacyigelinta kaluumeysiga iyo ilaalinta deegaanka.

Agaasimaha Hay’adda FOA ee Soomaaliya Mr. Richard Trenchard iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa ay kulamo la qaadaan doonaan madaxda Wasaaradaha Puntland sida Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland, Wasaarada Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda ee Puntland iyo Wasaarasada Xanaanada Xoolaha.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlad gobolleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa islamaanta gelinkii dambe qasriga madaxwtooyada Puntland waxaa uu kula kulmay masuuliyiin ka socday hay’adda Diakonia, kuwaasi oo ay kawada hadleen mashaariicda ay ka fuliyaan Puntland gaar ahaan dhinacyada Waxbarashada iyo hirgelinta hanaanka dimuqraadiyada Puntland.
Dhammaan kullamadaas uu Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas la qaatay masuuliyiinta ka socday Hay’adda FAO iyo Hay’adda Diakonia ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is afgarad.

IMG_4837

IMG_4821

IMG_4826

IMG_4837

IMG_4908 (1)

IMG_4908

Previous Post

Marwada madaxweynaha oo booqatay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Central (Sawirro)

Next Post

Barcelona oo Ka Badisay Manchester City iyo Juventus oo Ka Adkaatay Dortmund ”SAWIRRO”

Next Post
Barcelona oo Ka Badisay Manchester City iyo Juventus oo Ka Adkaatay Dortmund ”SAWIRRO”

Barcelona oo Ka Badisay Manchester City iyo Juventus oo Ka Adkaatay Dortmund ”SAWIRRO”

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In