Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani .
Kullan gaar ah ee Madaxweyne Gaas la qaatay Safiirka ayaa waxaa ku wehliyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire waxaana ay uga wada hadleen horumarinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee ka dhaxeeya Puntland iyo isutagga imaaraadka Carabta.
Shirka ayaa intii uu socday sidookale looga hadlay dardar gelinta mashaariicda horumarineed ee dawladda isutagga imaaraadka carabta ka fuliso guud ahaan degaanada Puntland, kuwaasi oo hada meel wanaagsan maraya.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya Mohamed Al-Cutmani iyo wefdiga uu hogaaminayo uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland, isagoo ka codsaday in Imaaraadku kor u qaado kaalmada uu siinayo maamulkiisa.
Ambassador Mohamed Al-Cuthmani ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay Puntland, isagoona sheegay in mar walba ay ka go’antahay sii wadida xiriirka wanagasan ee ka dhaxeeya Imaaraadka carabta iyo maamulka Puntland.