Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda Dowladda Masar”SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wafdi ka socda Dowladda Masar”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay 28 Feb 2018 waxaa uu qasriga madaxtooyada ee Garoowe ku qaabiley wafdi balaaran oo uu hogaaminayey wasiirka beerha Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid iyo qunsulka safaarada masar ee Soomaaliya Taamir Safwat.

Wafdigaan balaaran ee maanta soo gaaray Puntland ayaa waxaa kamid ahaa masuuliyiin ka socotey Wasaaradda beeraha ee dalaka Masar, kuwaas oo uu kamid ahaayeen Madaxa mashaariicda  beeraha ee wadamada Afrika Dr. Maahir Abdulmuncim, Axmed Qunaim-Madaxa xiriirka Dibada Wasaaradda Beeraha Masar, Dr. Attiya Mansuur- Khabiir Biyaha iyo Deegaanka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026
Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026

Madaxweynah Puntland oo kulan gaar kula qaatay xafiiskisa wafdigaasi marka ay soo gaareen qasriga madaxtooyada, ayaa kulankaas waxaa kala qayb galay Wasiirka Deegaanka Puntland, Wasiirka Xanaada Xoolaha Puntland, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Puntland iyo Saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha.

Qunsulka Dawladda Masar ee Soomaaliya mudane Taamir Safwat ayaa uga mahad naqay Puntland sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay caasimada Puntland islamar ahaantaana sheegay inuu salaan uga wado dawladdiisa Madxweynaha Puntland, sidoo kalana sheegay in Dawladda Masar ay dooneyso inay ka fuliso mashaariic horu marineed Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin horu marinta beeraha, daaweynta xoolaha, Kawaano casriya, biyo xireeno, taba baro iyo waxbarshada beeraha.

Dhinaca Kale Madxweynha Puntalnd  ayaa uga mahadnaqey qunsulka Dawladda masar iyo masuuliyiinti kale ee ka socotay Wasaaradda beeraha ee dalaka Masar booqashada ay ku yimaadeen Puntland, sidoo kalena tilmaamey in Puntland ay Dawladda Masar iyo wasardda beeraha ee dalkaasi Masarba ay ku soo dhaweenayaan maal gashiga Puntland iyo horu marinta  wax soo saarka Beeraha Puntland, taas oo laf dhabar u ah nolosha reer guuraaga iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qunsulka Dawladda Masar iyo wafdigii la socdey ee ka socdey Wasaaradda Beeraha ee Masar kula dar daarmey iney Puntland wax kala qabtaan nabaad guurka, xaalufinta deegaanka, daaweynta iyo nafa qeynta xoolaha, ka hortaga abaaraha iyo sidii mar kasta dadka abaaruhu aafeeyaan loogu gurman lahaa.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbland oo qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Next Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo shir guddoomiyaya kulan looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha

Next Post
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo shir guddoomiyaya kulan looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha

Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka oo shir guddoomiyaya kulan looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa...

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In