Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wefdi ka socda Bankiga aduunka-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wefdi ka socda Bankiga aduunka-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Xafiiskiisa Madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay wefti ka socdey Bankiga Aduunka.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Maaliyada Dawladda Puntland iyo saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Kulanka uu la yeeshay Madaxweynuhu weftigan ayaa waxaa lagaga arrinsanayey mashuuca hab maamul xisaabaadka dawliga  ee loo yaqaano Public Financial Management (PFM) iyo daafurka mashruucaasi.

Mashruuca hab maamul xisaabadka dowliga ayaa waxaa lagaga gudbi doonaa habkii hore  loo isticmaali jirey kaas oo lagu bedeli doono hab casri ah oo la adeegsan doono qaab electronic ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka dhegaystey warbixino ku saabsan faa’iidada isticmaalka barnaamij kani weftiga ka socdey Bankiga Aduunka ayaa waxa uu ku amaanay qaabka wanaagsan ee ay u wadaan barnaamij kani, kaas oo waxbadan ka bedelidoona qaab xisaabeedka wasaarada Maaliyada dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa shaagay in barnaamijka hab maamul xisaabaadka dowliga (PFM) uu fududayn doono dejinta miisaanida Puntland, wax weyna ka tari doono la socoshada kharashka ka baxay dawladda iyo kharashaadka dawladda u soo xarooda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey hawl wadeenada wasaarada maaliyada Puntland inay muhimad gaara siyaan mashruucani kana faa’iidaystaan, si mustaqbalka ay si fudud uga midha dhaliyaan hiigsiga qorshaha mustaqbalka dhow iyo kan fogba ee wasaarada maaliyada dawladda Puntland.

Previous Post

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xariga ka jaray Waddo loogu magac daray Dr. Kadare “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Beledweyne Kula Kulmay Saraakiil Ka Tirsan Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabelle Oo Beledweyne Kula Kulmay Saraakiil Ka Tirsan Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Beledweyne Kula Kulmay Saraakiil Ka Tirsan Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In