Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wefdi ka socda Bankiga aduunka-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wefdi ka socda Bankiga aduunka-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Xafiiskiisa Madaxtooyada Garoowe kulan kula qaatay wefti ka socdey Bankiga Aduunka.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada Maaliyada Dawladda Puntland iyo saraakiil ka tisan Madaxtooyada Puntland.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Kulanka uu la yeeshay Madaxweynuhu weftigan ayaa waxaa lagaga arrinsanayey mashuuca hab maamul xisaabaadka dawliga  ee loo yaqaano Public Financial Management (PFM) iyo daafurka mashruucaasi.

Mashruuca hab maamul xisaabadka dowliga ayaa waxaa lagaga gudbi doonaa habkii hore  loo isticmaali jirey kaas oo lagu bedeli doono hab casri ah oo la adeegsan doono qaab electronic ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka dhegaystey warbixino ku saabsan faa’iidada isticmaalka barnaamij kani weftiga ka socdey Bankiga Aduunka ayaa waxa uu ku amaanay qaabka wanaagsan ee ay u wadaan barnaamij kani, kaas oo waxbadan ka bedelidoona qaab xisaabeedka wasaarada Maaliyada dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa shaagay in barnaamijka hab maamul xisaabaadka dowliga (PFM) uu fududayn doono dejinta miisaanida Puntland, wax weyna ka tari doono la socoshada kharashka ka baxay dawladda iyo kharashaadka dawladda u soo xarooda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku booriyey hawl wadeenada wasaarada maaliyada Puntland inay muhimad gaara siyaan mashruucani kana faa’iidaystaan, si mustaqbalka ay si fudud uga midha dhaliyaan hiigsiga qorshaha mustaqbalka dhow iyo kan fogba ee wasaarada maaliyada dawladda Puntland.

Previous Post

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xariga ka jaray Waddo loogu magac daray Dr. Kadare “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Beledweyne Kula Kulmay Saraakiil Ka Tirsan Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabelle Oo Beledweyne Kula Kulmay Saraakiil Ka Tirsan Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabelle Oo Beledweyne Kula Kulmay Saraakiil Ka Tirsan Qaramada Midoobay “SAWIRRO”

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In