Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 46 ee November 25, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowlad Gobaleedka
Puntland
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa Gashaanle dhexe Fatxi Cabdikariin Ismaaciil loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn
- Waxaa Dhamme Cabdi Muuse Guuleed loo magacaabay Taliye Xigeenka Qaybta Boliiska ee Gobolka Cayn
- Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.