Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Koonfurta Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Koonfurta Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 27.December 2017 waxaa si balaaran koon furta magaalada Gaalkacayo ugu soo dhaweeyay qaar ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedka Galmudug.

Socdaalka Madaxweynaha Puntland ee Koonfur Gaalkacyo ayaa qeyb ka ah is dhex galka bulshada  waxaana ku soo dhaweeyay dhinaca Galmudug Masuuliyiin katirsan Golayaasha Maamulka  Galmudug,  Talisika ciidamada mamulkaasi, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Galmudug , isimo Cuqaal, Waxgarad, Nabadoono, Aqoonyahanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada maamulkaasi,

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Soo dhawayn kadib Madaxwaynaha Puntland ayaa waxaa uu kulan laqaatay ciidamada isku dhafka ee magaalada Gaalkacayo, saraakiil ka titrsan ciidanka Xoogga dalka iyo qaybaha kala duwan ee ee bulshada Koonfurta Gaalkacyo.

“Waxaan Ka mahad naqayaa soo dhawanynta wanaagsan ee walaaltinimada leh iyo dareenka wanaagsan ee aad maanta nagu soo dhawaayseen, waxaan aad ugu mahadcelinayaa intii wanaagaan ka soo shaqaysay sida maamulka Degmada, Maamulka Gobolka, Dhallinyarada, Haweenka, waxgaradka, taliyeyaasha ciidamada iyo intii kale oo kaqayb qaadatay wanaaga badan ee aan ujeedno maanta, una dhabar adaygay hawshaan adag, runtii waan jeclaa in aan imaado intii uu joogay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, laakiin duruufo kale ayaan ii saamixin in aan imaado waan rajaynayaa markale in aan Gobolka isugu nimaadno saan ku balansanahay, si nabada Gaalkacayo usal dhigato, uwaarto dadkana ay wanaag iyo walaaltinimo ku wada noolaadan ayaan rajaynaynaa, nabada Gaalkacyo marka hore Gaalkacyo ayay mihiim utahay, wanaag iyo qurux utahay, waxay horseed unoqonaysaa sidoo kale nabadda Soomaaliyeed, maanta waxaa ii muuqada bisayl aad ubadan waxaan rajaynayaa in bisaylkaasi uu yahay mid dhab ah” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Dadka reer Gaalkacayo matihidin dad meel kala aadaya oo kala guuraya waxaa tihiin dad ehel ah oo aan kala maarmin, maanta waxaa jira cadaw Soomaaliya dhib wayn ku haya inaga oo dhan aan inakala aqoon oo aan cidna dhaafayn oo dhibaato wayn Soomaaliya kuhaya oo Dawladnimadeena,  wanaageena, Qaranimadeena, hortaagan oo kashaqaynaya sidii ay inoo dhibi lahaayeen iyaguna u guulaysan lahaayeen, markaa waa in aan gacmaha isqabsanaa cadwgeena halmeel uga soo wada jeesanaa dhammaanteen oo goboladeena ay dhibka kuhayaan aynu si wada jir ah uga xoraysano ayaa la idinka raabaa, waxaan rabaa marka in aan kahadlo ciidankan isku dhafka ah, waxaa loo sameeyay in ay wanaag soo kordhiyaan, in ay nabad soo kordhiyaan, in ay magaalada horumarkeeda ka shaqeeyaan, wixi ka dhiman oo imkaaniyaad ah wixii aan u awoodno sida ugu wanagsan ayaan isugu dayaynaa in aanu u hawl galno”. ayuu yiri Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dawdwaynaha gobolka Mugug ugu baaqay inay siwada jir ah nabadda uga wada shaqeeyaan.

Previous Post

Maamulka Gobolka Benaadir oo ka dooday Barnaamijka dariseynta “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Gaadiidka oo Wareysi uu ku faah faahinayo maamulka hawada iyo munaasabadda berri siiyey Radio Muqdisho “Dhageyso”

Next Post
Dhageyso: Wasaaradda Gaadiidka XFS oo Faah faahin ka bixisay Amniga Garoonka Muqdisho

Wasiirka Gaadiidka oo Wareysi uu ku faah faahinayo maamulka hawada iyo munaasabadda berri siiyey Radio Muqdisho "Dhageyso"

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In