Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay Dadkii Gaalkacyo ka barakacay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada” War saxaafadeed+Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay Dadkii Gaalkacyo ka barakacay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada” War saxaafadeed+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saakay   Xaafadda Wadajir ee Magalaada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug kaga qayb galay quraac sharafeed uu u sameeyey Madaxweynaha Galmudug  Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Quraacda ayaa waxaa kasoo qayb galay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Maamulka Jubba-land,  Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala socda Dawladda Federaalka, Maamulka Puntland, Maamulka Jubbaland, Maamulka Galmudug, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, Saraakiisha Ciidamada labada dhinac, iyo Culimaa’udiinka Magaalada Gaalkacyo.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Ujeedka quraacda ayaa ahaa sidii loo samayn lahaa isdhexgal siyaasadeed iyo mid bulsho oo abuura  jawi nabadeed iyo xasilooni  maadaama ay magaalada ka aloosanaayeen maalmihii u dambeeyey dhiilooyin colaadeed iyo shaqaaqooyin sababay khasaare nafedeed, mid maal  iyo barakac bulsho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku ammaanay madaxweynaha Puntland sida kalsoonida leh ee uu ugaga soo horeeyey is dhexgalka iyo socdaalkii nabadeed ee uu madaxweynaha Puntland kusoo Maray Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee dhinaca maamulka Galmudug.

Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa dhankooda tilmaamay qiimaha ay leedahay isdhexgalka bulshada iyo midka siyaasadeed iyo weli sida uu jewi xasiloon ugu soo dabbaali karo  bulsho ay shaqaaqo ka dhex dhacday.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdierli Maxamed Cali Gaas ayaa isaguna uga Madahad celiyey Madaxweynaha Maamulka Galmudug casumaadiisa sharafta leh ee uu uga gollahaa is dhexgalka bulshada iyo kan siyaasadeedba, waxaana uu xusay sida ay calaamad ugu tahay geba-gebada  colaadii  beryahan ka aloosnayd Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale qada sharafeed u sameeyey Madaxweynaha Maamulka Galmudug, islmar’ahaantaana waxaa kasoo qayb galay qado sharaftaasi Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaha Maamulka Jubba-land, Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala socda Dawladda Federaalka, Maamulka Puntland, Maamulka Jubbaland, Maamulka Galmudug, taliyaha ciidanka xoogga dalka, Saraakiisha ciidamada labada dhinac, iyo Culimaa’udiin.

Dhammaan Madaxdii Kasoo qayb gashay munaasibadii qado sharafta ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Maamulka  Puntland sida uu diyaarka ugu yahay in nabad la qaato welibana lasoo afjaro shaqaaqadii dhowaan kadhacday Magaalda Gaalkacyo iyo sida uu ubilaabay barnaamijka isdhexgalka bulshada iyo ka siyaasadeedba.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdierli Maxamed Cali Gaas  oo kelimado kooban ka jeediyey  munaasibadda qado sharafta ayaa sheegay inuu ka shaqaynayo sidii loo dardar gelin lahaa isdhexgalkan maanta labilaabay isagoona ugu baaqay dhammaan dadkii ka bara kacay shaqaaqooyinkii dhowaan kadhacay magaalada gaalkacyo inay dib ugu soo laabtaan magaalada.

2eaaa0db-7830-4f38-82a9-eca200b65a1d 9bef0999-b68e-491f-bf0f-f2ee7242d5af 11d0d4f1-4fdb-430c-9389-bbb199397206 72bcb400-9ff1-47fd-b764-adc11751cbf0 527e8c2c-23ad-45eb-a393-208af3280bde 15711dea-8329-410f-929f-39d7ca1fb2d7 259109d8-409c-4c0a-9bec-df62fd9df4b8 c25992bb-f0e9-4473-b5fd-2e2a01febad1 ed7ac0a2-03bb-461d-bfe6-bd17034f1160 f7800ca2-48c7-429c-9d95-63d61f9c3ee9 fb49abf2-5a56-4f66-984f-779201f5330c

 

Previous Post

R/wasaaraha “Waxaan saaka ka Quraacannay Galmudug, Maantana ka qadeeynay Puntland, nabadiina waa hirgashay”+Sawirro

Next Post

Barnamijka, Falanqaynta Ciyaaraha oo looga haddlaayay Xiriirka Cusub ee Kubadd Cag yaraha Soomaaliyeed” Dhagayso”

Next Post
Barnamijka, Falanqaynta Ciyaaraha oo looga haddlaayay Xiriirka Cusub ee Kubadd Cag yaraha Soomaaliyeed” Dhagayso”

Barnamijka, Falanqaynta Ciyaaraha oo looga haddlaayay Xiriirka Cusub ee Kubadd Cag yaraha Soomaaliyeed" Dhagayso"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In